Qaar ka mid ah Warbaahinta ugu waaweyn ee reer galbeedka ayaa meesha ka saaray diidmada Israel, ee ah in aysan gaajo daran ka jirin Marinka Gaza.
BBC iyo Wakaaladaha Wararka ee Reuters, AP & AFP ayaa maalmahaanba ka warbixinayay in gaajo aad u daran ay ka jirto Gaza.
Bayaan ay Khamiistan si wadajir ah u soo saareen ayay si weyn walaac uga muujiyeen xaaladda Wariyeyaal Falastiiniyiin ah, oo uga soo waramayay Marinka Gaza.
Bayaanka ayaa lagu sheegay inay awoodi waayeen inay quudiyaan qoysaskooda, ka dib markii ay heli waayeen wax ay siiyaan xubnaha qoysaskooda oo gaajo la ildaran, isla-markaana ay ku adkaatay in ay ka baxaan Gaza.
Warbaahintan oo ka mid ah kuwa ugu afka dheer ee dunida ayaa Maamulka Israel ka codsaday in ay Wariyeyaasha siiyaan marin nabdoon, oo ay kaga bixi karaan Marinka Gaza.
Wariyeyaasha maxaliga ayaa ah kuwa keliya ee dunida soo gaarsiiya xaaladda murugsan ee ka jirta dhulka ay colaaddu halakeysay, bacdamaa aysan Israel ogoleyn in Wariyeyaasha shisheeye ay taggaan Gaza.
Wargeyska Washington Post ayaa maanta daabacay in Saxafiyiinta Gaza ee la miisaamo uu culeyskoodu yahay mid aad u hooseeya. Warbixinta ayaa intaasi ku dartay in dhakhaatiirka ka hawlgasha Gaza ay gaajoonayaan, illaa heer ay dawakhaad ama wareer ay dareemaan.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa aad u soo badanayay dadka nafaqo darrada iyo gaajada ugu dhimanaya gudaha Gaza, taas oo lagu sheegay wax aad looga walaaco.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa waxay sheegtay in xanibaadaha Israel ee qulqulka kaalmada bani’aadantinimo ay Marinka Gaza ka abuurtay masiibo ba’an oo bani’aadantinimo.
Wasaaradda ayaa ka digtay in in ka badan laba milyan oo qof oo ku nool dhulka sida daran loo go’doomiyay ay halis ugu jiraan in ay gaajo u dhintaan, waxayna ka digtay sii socoshada diidmada Israel in gargaar macno leh ay hay’adaha caalamiga ah gaarsiiyaan dadka u baahan ee ku nool Gaza.
Hay’adaha Qaramada Midoobey, kuwa caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo Hay’adaha Xuquuqul Insaanka ayaa sheegay in Falastiiniyiinta reer Gaza ay wajahayaan macluul baahsan, oo ay sabab u tahay xayiraadaha Israel ee gargaarka.
Iyadoo ay jiraan caddeymo badan oo lagu kalsoonaan karo, isla-markaana muujinaya in ay macluul ka jirto Gaza, isla-markaana ay dadka gaajo ugu geeriyoonayaan ayay Israel si indha la’aan ah u beenineysaa, iyadoo haddana aan ogoleyn in Wariyeyaasha reer galbeedku xitaa ay cagta dhigaan Gaza, si ay uga soo waramayaan xaqiiqada halkaasi ka jirta.
Noocyada kala duwan ee dembiyada dagaal ee Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza, oo ay kow ka tahay dadka rayidka ah ee gaajeysiinta loogu leynayo ayaa noqday qodobka ugu horreya ee Warbaahinta dunida ka warameyso.
Bayaankan ay sida wadajirka ah u soo saareen AFP, BBC, AP iyo Reuters ayaa waxa uu farmuuqaya, sida Israel ay dhinac uga tahay dunida.
Dunida ayaa waxay si weyn uga soo horjeedaa falalka waxashnimada ah ee ay Israel ka waddo Marinka Gaza, haddana ma jirto cid xageeda far u dhaqaajin karta, sababtoo ah ku tiirsanaanteeda Mareykanka.
Mareykanka ayaa gar iyo gardarraba Israel ku taageeraya qaabka bani’aadantinimada ka baxsan ee ay muddada dheer kula dhaqmeysay shacabka Falastiin iyo sharci darrada ay dhulkooda ku haysato.
Tan iyo aasaaskii Dowladnimada Israel, Israel ayaan lahayn sawir wanaagsan oo dhanka bani’aadantinimada ah.