Guddiga Caalamiga ah ee Badbaadinta (IRC) ayaa sheegay in kooxahooda ay soo sheegeen in ay korortay tirada carruurta Gaza ee loola cararayo isbitaalada, sababo la xiriira xaaladaha nafaqo xumada iyo gaajada ee maalmihii la soo dhaafay aadka ugu baahay Marinka Gaza.
IRC oo ah hay’ad caalami ah oo ka shaqeysa gargaarka iyo horumarinta ayaa walaac xoogan ka muujisay, sida ay uga sii dareyso xaaladda bani’aadantinimo ee Gaza, oo ka dhalatay diidmada Israel ee ku saabsan in gargaar ku filan la gaarsiiyo dadka rayidka ah.
Kusimaha Madaxa IRC ee Falastiin, Scott Lea ayaa sheegay in nidaamka difaaca ee carruurta Gaza uu dumayo.
“Jirkooda yaryar ayaa xirmaya, mana neefsan karaan. Nidaamkooda difaaca ayaa dumaya.” Ayuu yiri Scott Lea.
Afhayeen u hadashay Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Carruurta (UNICEF) oo lagu magacaabo Tess Ingram ayaa xaqiijisay in ay aad u korortay tirada carruurta ee la ildaran nafaqo darrada.
Tess Ingram ayaa sheegtay in hannaanka daryeelka caafimaadka ee lagu daweeyo carruurta uu ku dhow yahay in uu baaba’o, maadaama aysan Israeli ogoleyn in kolonyada gargaarka raashiinka iyo sahayda caafimaadka ee ku xaniban xuduudaha Marinka Gaza ay gudaha u soo galaan Gaza.
“Tirooyinkan si degdeg ah ayay u kordhayaan, sababtoo ah carruurta waxaa loo diiday cunto, biyo iyo daryeel caafimaad oo ku filan.” Ayay tiri Tess Ingram.
Digniintoodan ayaa imaneysa, iyadoo 100 ka mid ah hay’adaha bani’aadantinimada ay maalin ka hor digniin ka soo saareen in xaalad adag oo bani’aadantinimo ay ka jirto Marinka Gaza, waxayna Israel ugu baaqeen inay soo celiso hannaankii hore ee gargaar qaybinta ee Gaza.
Israel ayaa 2-dii bishii March soo rogtay xayiraad guud oo ka dhan ah gargaarka bani’aadantinimo ee Gaza, iyadoo tan iyo waqtigaasi hortaagan in Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadantinimada ay wax gargaar ah keenaan gudaha Gaza.
Ma jirto hay’ad ku shaqeysa mabaadi’da bani’aadantinimada oo gurmad bani’aadantinimo gaarsiin karta dadka Gaza, marka laga soo tago Hay’adda Gaza Humanitarian Foundation (GHF) oo Israel ay sameysay, Mareykankuna uu taageeray, taasoo uu Maamulka Israel ku wareejiyay shaqooyinkii gargaar keenista iyo qaybinta ee ay hay’adaha samafalka muddadii dheer ka wadeen Marinka Gaza.
Hay’adda GHF ayaa 27-kii bishii May gargaar qaybin ka bilowday gudaha Gaza, iyadoona gargaarka ay bixiso lagu sheegay dhibic bad ku dhacday oo kale, marka loo eego heerka gaajada baaxadda leh ee ka jirta Marinka Gaza, tiiyoo haddana aanu gargaarkeedu si badbaado leh u gaarin dadka yar ee nasiibka u yeesha in ay cunto ka helaan xarumaheeda.
Xarumaha ay hay’addan gacanta ku hayso ayaa lagu qeexay goob ay ilaaladeeda iyo Ciidamada Israel ku ugaarsadaan dadka ku khasban in ay gargaarka u doontaan, maadaama aan gargaarka bani’aadantinimo laga heli karin Gaza inteeda kale.
Hay’addan ayaa shaqaaleysiisay ilaalo gaar ah oo ka tirsan Militariga Mareykanka, waxaana xarumaheeda dusha ka ilaaliya Ciidamada Israel. Ilaalada gaarka ah ee hay’addan ayaa lagu eedeeyay in ay qayb ka yihiin dilka dadka gaajeysan.
Ku dhawaad kun qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay afaafka hore ee xarumaha hay’addan, wax ka yar laba bilood oo Gaza ay ka hawlgaleysay, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.
Hay’adda Xuquuqda Aadanaha U Doodda ee Amnesty International ayaa sheegtay in Hay’adda GHF ay tahay mid fulineysa qorshe militari oo dilaa ah, isla-markaana baxsan bani’aadantinimada.
Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa hannaanka ay hay’addan ku shaqeyso ku tilmaamay mid jebinaya mabaadi’da bani’aadantinimada, isla-markaana aysan GHF ahayn mid dhexdhexaad ah.
Israel ayaa hay’addan u aasaastay, si ay hoos ugu dhigto qaylo dhaanta caalamiga ah ee ka dhalatay siyaasaddeeda ay gaajada, sida hubka oo kale ugu baabi’ineyso shacabka xaaladda adag dhexda kaga jira, ka dib markii ay Gaza ka dhigtay meel aan gebi ahaanteedaba ammaan ahayn oo meel walbana dadka rayidka ah lagu laayo.
Hay’addan ayaa diidmo iyo dhalleeceyn xoog leh kala kulantay dunida, iyadoona hay’adaha gargaarka iyo kuwa xuquuqul insaanka ay dalbadeen in si degdeg ah albaabada la isugu laabo xarumaheeda, haddii ay halis ku yihiin nolosha dadka rayidka ah.
Hay’addan iyo Israel-ba waxay ku guuldareysteen in ay wax ka qabtaan baahiyaha aasaasiga ah ee dadka reer Gaza, waana tan keentay in 25 dowladood oo u badan xulafada Israel ee reer galbeedka ay Isniintii Tel Aviv ka dalbadaan inay si degdeg ah awood ugu siiso Qaramada Midoobey iyo hay’adaha kale ee bani’aadantinimada inay si badbaado leh oo waxtar leh u gutaan shaqadooda naf badbaadinta.