Raysal Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer ayaa mar kale si adag uga hadlay xaaladda cakiran ee ka jirta Marinka Gaza, isagoona ku baaqay in si degdeg ah loo dhameeyo masiibada bani’aadantinimo ee Gaza, waana markii saddexaad oo dowladda uu hoggaamiyo ay toddobaadkan oo keliya baaq ka soo saarto in la soo afjaro masiibada gacan ku sameyska ah ee ay Israel ka abuurtay dhulka ay go’doomisay.
Raysal Wasaaraha Ingiriiska ayaa Sabtidan sheegay in ay tahay in si dhakhsa ah wax looga qabto dhibaatada bani’aadantinimo ee ka taagan Marinka Gaza.
Raysal Wasaaraha ayaa faallo uu ku qoray Wargeyska Daily Mirror ku sheegay in sawirrada gaajada iyo quusta ay wajahayaan dadka reer Gaza ay yihiin wax laga naxo.
“Diidmada gargaarka bani’aadantinimo in la gaarsiiyo shacabka Falastiin ee carruurta iyo dhallaanka ay ku jiraan waa mid aan la aqbali karin.” Ayuu Raysal Wasaaruhu ku sheegay faalladiisa.
“Waxa Gaza ka jiro waa masiibo bani’aadantinimo, waana in hadda la soo afjaraa.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Starmer oo dhanka kalena sheegay in dowladdiisu ay dooneyso in ay caawiso dadka reer Gaza.
Wuxuu sheegay in taageerada bani’aadantinimo ee ay dowladdiisu u qoondeysay Falastiiniyiinta ku nool Marinka Gaza aysan weli gaarin Gaza, sidaasi daraadeedana ay dowladdu kor u qaadeyso shaqadeeda gargaar gaarsiinta ee dadka aadka ugu baahan.
“Wararka sheegaya in Israel ay u ogolaan doonto dalalka inay gargaarka dusha uga daadiyaan Gaza aad buu u soo daahay.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Starmer.
Starmer ayaa intaasi ku daray “Waxaan samayn doonnaa wax walba oo aan awoodno, si aan jid ugu helno gargaarka. Saraakiishayadu si degdeg ah ayay masuuliyiinta Jordan uga la shaqayn doonaan, si ay gargaarka ugu helaan diyaarado iyo in la geeyo Gaza.”
Israel ayaa la sheegay in ay Jimcihii ogolaatay in Dowladaha Jordan iyo Emirate-ka Carabta ay xagga hawada gargaar uga daadiyaan Falastiiniyiinta ku nool Marinka Gaza.
Keir Starmer, Raysal Wasaaraha Ingiriiska ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisu ay dardargelin doonto dadaalada lagu daadgureynayo carruurta Gaza ee u baahan caafimaadka dibadda, si loogu daweeyo UK.