Ciidanka Cirka Israel ayaa door weyn ka qaadanaya hawlgalka dhinaca dhulka ee ay Ciidamada Israel ka wadaan koonfurta iyo bartamaha Marinka Gaza.
Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa shalay illaa iyo maanta wax ka badan 100 hawlgal oo xagga hawada ah ka fuliyay Marinka Gaza, sida ay sheegtay Al Jazeera.
Al Jazeera ayaa ku warantay in diyaaradaha dagaalka Israel ay ciidamada dhulka ku sugan ka caawinayaan dagaalka tooska ah ee ay kula jiraan iska caabinta Falastiin.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Israel ay hawlgalooda xoogiisu ka wadaan deegaanada bartamaha iyo koonfurta Gaza ku yaala ee Deir Al-Balah iyo Khan Yunis.
Ciidanka Difaaca Israel ayaa ballaariyay gulufka dagaal ee ay ka wadaan Khan Yunis, waxaana Taliska Militariga uu sheegay in ciidamadu ay bartilmaameed dheeraad ah ku burburinayaan kaabeyaasha militari ee waxa ay ku sheegeen argagixisada.
Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen Militariga Israel iyo Hay’adda Sirdoonka Gudaha ee Shin Bet ayaa lagu sheegay in ay iska kaashadeen dilka dagaalyahan Falastiini ah, oo isku dayayay in uu fuliyo weerar qarax oo ka dhan ah Ciidamada Israel ee halkaasi hawlgalka ka wada.
Bayaanka ayay sidoo kale ku sheegeen in la burburiyay godad ay weerarada ka soo qaadayeen kooxaha Falastiiniyiin iyo kayd hub ahaa oo ay lahaayeen.
Ciidamada Israel ayaa Isniintii weerar ballaaran oo dhulka ah ku qaaday Deir Al-Balah, waxaana lagu sheegay kiisii ugu horreyay ee ceynkiisa ah oo deegaankaasi ay ku qaadaan, muddadii ay hawlgalada ka wadeen gudaha Gaza.
Deegaankan ayaa wax ka badan 14 bilood marti-gelinayay barakacayaasha ugu badan ee Falastiiniyiinta, waana deegaan ay hadda deganaayeen ku dhawaad kala bar dadka reer Gaza, ka dib amarada barakacinta khasabka ah ee Israel ee ku soo noqnoqday inta badan deegaanada koonfurta iyo waqooyiga Marinka Gaza.
Dowladda Hoose ee Deir Al-Balah ayaa dhawaan sheegtay in deegaankoodu uu qaabilay hal milyan oo barakacayaal ah, oo aan ku jirin tirada dadkii horey u deganaa, taasoo noqoneyso kala bar bulshada ku nool Marinka Gaza. Tani ayaa Deir Al-Balah ka dhigtay mid ka mid ah meelaha ugu dadka badan ee adduunka, marka ay noqoto goobaha ay ku nool yihiin qaxootiga iyo barakacayaasha.
Magaaladan ayaa waxaa xarumo iyo xafiisyo ku leh hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bani’aadantinimada iyo kuwa xuquuqul insaanka. Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa mar sii horreysay sheegtay in Ciidamada Israel ay 21-kii bishan weerareen guriga shaqaalaheeda iyo bakhaarka ugu weyn ee ay ku leeyihiin Deir Al-Balah.
Qoysaska barakacayaasha iyo kuwii horey u degaana Deir Al-Balah ayaa isaga barakacaya guryahooda iyo teendhooyinka ay halkaasi ka sameysteen, iyadoo Israel ay dadka ku amartay in ay taggaan deegaanka koonfurta ku yaala ee Al-Mawasi, balse qoysaska qaar ayaa la sheegay in ay gabaad ka raadsanayaaan deegaanada dhaca waqooyiga Marinka Gaza, sababtoo ah waxay ogyihiin in Al-Mawasi aysan qaabili karin barakacayaasha intaasi le’eg.
Al-Mawasi waa mid ka mid ah deegaanada ugu yar ee Marinka Gaza, waxaana horey ugu soo barakacay boqolaal kun oo ka mid ah 1.5 milyan oo Falastiiniyiin ah, oo Israel ay bishii May ee sanadkii hore ka barakacisay deegaanka Rafah ee cirifka koonfureed ee Marinka Gaza, markaas oo ciidamadeeda ay duulaan dhinaca dhulka ah ku qaadeen deegaankaasi oo saaran xuduudda Marinka Gaza iyo Masar.
Dadka rayidka ah ayaa hadda isku dayaya in ay ka baxsadaan dagaalkan ay Israel ku soo fidisay Deir Al-Balah, ka dib markii Ciidamada Israel ay u bedeleen sida la sheegay goob cabsi badan oo khatar weyn ku soo fool leh.
Wargeyska Haaretz ee Israel ka soo baxa ayaa hadafka ay Israel ugu duushay deegaankaasi ku sheegay in la sameeyo khad cusub, oo lagu kala jarayo isu socodka deegaanada koonfurta iyo bartamaha Marinka Gaza, iyadoo Deir Al-Balah laga soo xirayo Khan Yunis iyo Al-Mawasi, si meesha looga saaro dhaqdhaqaaqa dadka ee xeryaha qaxootiga ee ku yaala koonfurta iyo bartamaha.
Hawlgalka cirka iyo dhulkaba leh ee ay Ciidamada Israel ka wadaan qaybaha koonfurta iyo bartamaha Gaza ayaa waxaa ku dhimanaya dad fara-badan oo shacab ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.
Wasaaradda ayaa Sabtidan sheegtay in dhimashada dadka rayidka ah ay si xowli ah u kordheyso, iyadoona xustay in tan iyo bilowgii dagaalka tirada dadka ku dhintay weerarada Israel ay gaartay 59,733 Falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 144,477 kale.