Home Wararka Caalamka Militariga Israel oo sheegay inay dabcinayaan xayiraadaha gargaarka ee Gaza

Militariga Israel oo sheegay inay dabcinayaan xayiraadaha gargaarka ee Gaza

by Laacib

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in ay qaadayaan xayiraadaha gargaarka ee qaybo ka mid ah Marinka Gaza, si hay’adaha bani’aadantinimada loogu ogolaado in ay hawada gargaar uga soo daadiyaan dadka rayidka ah.

Taliska ayaa war uu xalay soo saaray ku sheegay in ay isku-dubaridi doonaan meelaha ay hay’adaha caalamiga ah gargaarka uga soo daadin karaan dadka Gaza.

“Arrintan ayaa waxaa ka wada shaqeynaya hay’adaha caalamiga ah iyo Ciidanka Difaaca Israel.” Ayaa lagu yiri warka oo intaasi ku daray in diyaaradaha hay’adaha gargaarka ay dadka Gaza u soo daadin doonaan raashiin isugu jira bur, sonkor & cuntada qasacadeysan iyo sariiraha alwaaxa ka sameysan.

Warka ayaa lagu sheegay in meelaha ay shacabka ku badan yihiin la ogolaan doono in hay’adaha samafalka ay xagga cirka xirmooyin gargaar ahi uga soo daadiyaan reer Gaza.

Militariga Israel ayaa sheegay in tallaabadan loo qaadayo, si wax looga qabto xaaladda bani’aadantinimo ee Gaza, inkastoo ay beeniyeen in wax gaajo ahi ka jirto gudaha Gaza.

“Ciidanka Difaaca Israel waxay diyaar u yihiin in ay hakin bani’aadantinimo ka sameeyaan meelaha ay dadka ku badan yihiin, waxayna hawlgalada burburinta kaabeyaasha argagixisada iyo ciribtirka argagixisada ka sii wadi doonaan meelaha ay dhaqdhaqaaqyada ka socdaan.” Ayaa lagu sheegay warka.

Militariga Israel oo beeninaya in dadka Gaza ay gaajo la ildaran yihiin ayaa warkooda ku sheegay “Kani waa olole been abuur ah oo Xamaas ka yimid.”

Hase yeeshee qiraalka Qaramada Midoobey & hay’adaha bani’aadantinimada iyo digniinaha ay ka soo saareen dhibaatada bani’aadantinimo ee dhulka Falastiin ayaa carro baahsan ka dhalisay caalamka oo dhan, waxayna tani mar kale ay indhaha dunida ku soo jeedisay Israel iyo in la cambaareeyo dhaqamadeeda xadgudubka qaawan ku ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

Warkan ka soo yeeray Israel ee gargaarka loogu ogolanayo meelaha qaar ee Gaza ayaa imanaya, ka dib markii hay’adaha caalamiga ah ay ka horyimaadeen in dalalka gobolka qaarkood ay u ogolaaneyso in ay hawada gargaar uga soo daadiyaan dadka reer Gaza.

Jimcihii ayaa waxaa suuqa soo galay warar sheegaya in Israel ay ogolaatay in dalalka Jordan iyo Emirate-ka Carabta ay hawada gargaar uga daadiyaan Falastiiniyiinta ku nool Marinka Gaza.

Hay’adaha caalamiga ah ayaa tallaabadan ku sheegay mid aan waxtar lahayn oo khatar ku ah kuwa dhulka jooga, waxayna soo jeediyeen in habka ugu wanaagsan ee gargaarka lagu gayn karo Gaza uu yahay in la furo waddooyin bani’aadantinimo oo dhulka ah, si wax looga qabto xaaladda ka sii dareysa ee dadka rayidka ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc