Wararka ka imanaya Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in ay sii kordheyso tirada dadka ka barakacaya xiisadda ka jirta degmadaasi.
Beledxaawo ayaa waxaa 22-kii bishan ka qarxay dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland, iyadoona labada ciidan ay ku dagaalamayaan gacan ku haynta degmadaasi.
Dadka shacabka ah ee ka barakacaya magaalada ayaa ka baxsanaya in lagu dul dagaalamo, ka dib markii ay magaalada ku soo bateen isku dhacyada u dhaxeeya labada ciidan.
Wararka ayaa sheegaya in qoysasku ay u barakacayaan deegaanada kale ee gobolkaasi iyo weliba dhinaca Degmada Mnandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Dadka ku harsan magaalada ayaa soo sheegaya in noloshu ay istaagtay, marka aad eegto in ay xiran yihiin inta badan goobaha ganacsiga, waxbarashada, isgaarsiinta oo weli maqan iyo gaabis ku yimid isu socodkii dadka ee magaalada.
Dadka weli ku harsan magaalada ayaa qiimeynaya xaaladda, iyagoona ka rajo qaba in wax kasta ay si dhakhsa ah isu bedeli karaan, inkastoo ay dareensan yihiin in jewi colaadeed ay magaalada ka jirto.
Dowladda Federaalka iyo Jubbaland ayaa isku haya cidda maamuleysa Gobolka Gedo, taas oo ka dambeysay xiriirka labada dhinac ee aadka u xumaaday.