Home Wararka Caalamka Jarmalka oo sheegay in loo baahan yahay geeddi-socodka 2 dowladood oo Falastiin iyo Israel ah

Jarmalka oo sheegay in loo baahan yahay geeddi-socodka 2 dowladood oo Falastiin iyo Israel ah

by Laacib

Dowladda Jarmalka ayaa waxay taageertay fekerka ah in la gaaro xalka laba dal oo deris ah, oo ay leeyihiin Israeliyiinta iyo Falastiiniyiinta, si tobanaan sano ka dib loo soo afjaro colaadda ku soo noqnoqotay Bariga Dhexe ee saamaynta togan ku leh caalamka intiisa kale.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka, Johann Wadephul ayaa sheegay in Berlin ay ku qanacsan tahay xalka laba dowladood oo lagu gaaray is faham, taas oo sahleysa buu yiri in shacabka labada dhinacba ay ku noolaadaan nabad, ammaan iyo sharaf.

Wasiirka ayaa qoraal uu Khamistan soo saaray, ka hor inta uusan u ambabixin Israel ku sheegay in Jarmalka aanu ku biiri doonin mowjadaha dalalka reer galbeedka ee u dhaqaaqaya inay aqoonsadaan Dowladnimada Falastiin, haddii aan Jarmalka lagu riixin in mowqifkiisa uu dib uga laabto.

Wasiirka ayaa soo jeediyay in hadda la bilaabo geeddi-socodka lagu xaqiijinayo in la helo xalka labada dowladood, isagoona ka digay haddii taasi la heli wayo in Jarmalku uu ku khasbanaan doono inuu dib u eego qaddiyadda qaranimada Falastiin.

Wasiirka ayaa Israel ku booriyay in ay qayb ka noqoto dadaalada caalamiga ah ee nabadda loogu soo dabaalayo gobolka, isla-markaana aysan is hortaagin yegleelidda dowlad ay Falastiiniyiinta leeyihiin.

Jarmalka ayaa lagu tilmaamaa dalka ugu weyn ee Yurub iyo Midowga Yurub ee taageera Israel, una taagan ilaalinta amnigeeda.

Israel ayaa Jarmalka u aragto mid ka mid ah xulafadeeda ugu muhiimsan ee dibadda, isaga oo saxaya xasuuqii uu Adolf Hitler u gaystay dadka Yahuudda, intii uu socday dagaalkii labaad ee adduunka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc