Dowladda Portugal ayaa ku biirtay mowjadaha ka socdo dalalka reer galbeedka ee ka dhanka ah Israel, laguna aqoonsanayo dowlad ay shacabka Falastiin leeyihiin.
Raysal Wasaaraha Portugal, Luis Montenegro ayaa Khamiistii sheegay in Lisbon ay u dhaqaaqeyso halka ay dabeyshu u socoto, taas oo reer Yurub ay Falastiin ugu aqoonsanayaan dal madaxbannaan.
Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddiisa midigta dhexe ay haatan wadatashi siyaasadeed la leedahay xisbiyada siyaasadeed ee dalka ugu waaweyn iyo Madaxweyne Marcelo Rebelo de Sousa, si uu qaranku meel adag isaga taago qaddiyadda qaranimada Falastiin.
“Dowladdu waxay go’aansatay in ay sare u qaaddo la tashiyada Madaxweynaha iyo Xubnaha Xisbiyada Siyaasadda ee Baarlamaanka ku jira, iyadoo la eegayo in la tixgaliyo aqoonsiga Dowladda Falastiin.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.
Raysal Wasaare Luis Montenegro ayaa hoosta ka xariiqay in dowladdiisu ay go’aankeeda ku shaacin doonto Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee bisha September ka qabsoomaya Magaalada New York.
Tallaabadan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo ay cirka isku shareertay qaylo dhaanta caalamiga ah ee ku aaddan gaajeysiinta dadka reer Gaza iyo burburka aan horey loo arag ee ay Israel ka gaysatay Marinka Gaza.
Faransiiska, Ingiriiska, Canada iyo Malta ayaa horey u sheegay in ay daneynayaan aqoonsiga Dowladda Falastiin, si loo xaqiijiyo xalka laba dal oo deris ah, oo ay ku sheegeen waddada keliya ee lagaga gudbi karo isku dhacyada Falastiiniyiinta iyo Israel.
Dalal hor leh ayaa laga yaabaa in bisha September ay ku dhawaaqaan aqoonsigooda Falastiin, iyadoo la xoojinayo jawaabta caalamiga ah ee ka dhanka ah dembiyada aan isla xisaabtanka lahayn ee sahlay in Israel ay si joogta ahi ugu xadgudubto sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.
Spain, Ireland, Norway iyo Slovenia ayaa sanadkii hore ku dhiiraday inay aqoonsadaan Falastiin, ka dib rabitaan la’aanta Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ee in la ilaaliyo nolosha dadka rayidka ah iyo in aan gargaarka loo adeegsan, sida hub oo kale.
Dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee ka jira dalalka reer galbeedka ayaa lagu dalbanaya in cunaqabateyn lagu soo rogo Israel iyo in xiriirka loo jaro, haddii aysan diyaar u ahayn in ay tixgeliso baaqa xulafadeeda ee lagaga dalbanayo in ay soo afjarto dhiigga ay gacmaha kula jirto iyo in ay ogolaato xuquuqda ay Falastiiniyiinta u leeyihiin in ay u noolaadaan si la mid ah dadkeeda.