Ururka Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in ay Axaddan saddex weerar ka gaysteen Israel, iyadoo laga jawaabayo xaaladda bani’aadantinimo ee ka sii dareysa ee ka jirta Marinka Gaza.
Afhayeenka Militariga Xuutiyiinta, General Yahya Saree ayaa sheegay in saddex diyaaradood oo drones ah ay ku beegsadeen bartilmaameedyada Militariga Israel.
Afhayeenka oo ka soo muuqday Telefishinka Al Masirah ayaa sheegay in Ciidamada Yemen ay weerareen sida uu yiri bartilmaameedyada cadowga Sahyuuniyadda ee Magaalooyinka Tel Aviv, Ashkelon iyo Haifa.
Afhayeenka ayaa sheegaya in ay si sax ah u garaaceen saldhigyadaasi, inkastoo ay Israel qariso waxyeelada ka soo gaarta weerarada Xuutiyiinta.
General Yahya Saree ayaa is garabtaagooda shacabka Falastiin ku tilmaamay waajib diineed, bani’aadantinimo iyo mid akhlaaqeed in laga dhiidhiyo xasuuqa shacabka aan is difaaci karin.
Warka General Saree oo ahaa mid si weyn loogu dheg taagayay ayaan soo hadal qaadin xaaladdii ugu horreysay ee ceynkeeda ah ee maanta lagu arkay deegaanka Bnei Netzarim ee duleedka Gaza, halkaas oo lagu arkay diyaarad drone oo qalqal amni ka sameysay.
Deegaankan oo horey loo soo dejiyay Israeliyiinta ayaa waxaa laga maqlay seeriga dhawaqa digniinaha ee duulaanka hawada, ka dib markii ay Israel sheegtay in hawada deegaankaasi ay soo gashay diyaarad ay leeyihiin Xuutiyiinta.
Taliska Militariga Israel ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ay deegaankaasi ku soo rideen hal diyaarad oo drone ah oo ka timid jihada dalka Yemen.
Bnei Netzarim ayaa sidoo kale xigto, kuna taala dhinaca xuduudda Masar, waana deegaan ay Israel tobanaan sano ka hor ka barakacisay Falastiiniyiintii deganeyd.
Waxaa la leeyahay waa markii koowaad oo deegaankan lagu arko diyaarad ay leeyihiin ururka reer Yemen, oo ah kan keliya ee ficil militari ahaan Israel ku cadaadinaya in ay soo afjarto duulaankeeda Marinka Gaza iyo inay qaaddo go’doominta ay ku hayso.
24-kii bishii ina dhaaftay ee July ayay ahayd, markii Hoggaamiyaha Xuutiyiinta, Abdul-Malik Al Houthi uu sheegay inay qorsheynayaan tallaabooyin kale, si ay u jebiyaan go’doominta Israel ee Gaza.