Home Wararka Caalamka Ciidamada iyo dibadbaxayaasha oo isku dhacay Magaalada Tel Aviv

Ciidamada iyo dibadbaxayaasha oo isku dhacay Magaalada Tel Aviv

by Laacib

Ciidamada Booliska Israel iyo dibadbaxayaasha diidan dagaalka ka socdo Marinka Gaza ayaa xalay isku dhacay, ka dib markii dibadbaxayaashu ay habeenkii saddexaad oo xiriir ah ay mudaaharaad ka dhigeen magaalada ugu weyn Israel ee Tel Aviv.

Dibadbaxayaasha ayaan muddooyinkii u dambeysay looga baran in ay wax isku soo bax ah ka dhigaan magaaladan, Sabtida mooyee, balse ay dadku Jimcihii bilaabeen in ay soo dhoobtaan waddooyinka waaweyn ee magaaladaasi, ka dib muuqaalkii ay maalinimadii Jimcaha Xamaas soo bandhigtay ee uu ka soo muuqday maxbuus Israeli ah oo lagu magacaabo Evyatar David, kaas oo muuqaalka laga arki karay jirkiisa oo aad daciif u ah gaajada daran ee ka jirta Gaza awgeed.

Xamaas ayaa Sabtidii soo bandhigtay muuqaal kale oo uu ka soo muuqday maxbuuskan oo god dhulka hoostiisa ku yaala ka qodanaya qabrigii lagu aasi lahaa, isagoo dowladda uu hoggaamiyo Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ku eedeeyay in ay ka tagtey.

Bannaanbaxa oo habeenkii Sabtida ka sii socday Tel Aviv ayaa waxaa dibadbaxayaasha la hadlay Ofer Braslavski, oo ah aabaha dhalay maxbuuskaasi oo sheegay in wiilkiisu uu halis ugu jiro in uu gaajo u dhinto, isagoona shacabka Israel ka codsaday in aysan ka seexanin, sidii maxaabiista uu wiilkiisu ka mid yahay ay dowladdu dib ugu soo celin lahayd guryahooda.

Jimcaha iyo Sabtida ayaa Israel ka ah maalmo fasax ah, iyadoo ayna Axaddu tahay maalinta ay Israeliyiinta ka soo laabtaan fasaxa toddobaadka, kuna laabtaan shaqooyinkooda.

Warbaahinta Israel ayaa baahisay muuqaalo muujinaya rabshado hareeyay mudaaharaadkii xalay iyo ciidamada oo ay is fara saarayaan dibadbaxayaasha.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay shacabka ugu baaqeen inaysan waddooyinka xiran, ha yeeshee aysan dadku wax dheg jalaq ahi u siinin.

Isku dhaca labada dhinac ayaa keenay in ciidamadu ay qabqabtaan qaar ka mid ah dadkaasi oo xabsiga ay u taxaabeen.

Dibadbaxayaasha isku soo uruursaday wadnaha Magaalada Tel Aviv ayaa muujiyay, sida ay uga xun yihiin dagaalka natiijo la’aanta ah ee ka socdo Gaza, iyagoona ku celiyay baaqooda ah in la joojiyo dagaalkan, si aysan askar dambe uga dhiman Gaza iyo in Xamaas lala galo heshiis maxaabiista lagu kala bedelanayo.

Dibadbaxayaashan oo hormuud ay u yihiin qoysaska dadkooda lagu haysto gudaha Gaza ayaa ku goodiyay in ay sii wadi doonaan bannaanbaxyadooda.

Saddexdii habeen ee la soo dhaafay, dadka ayaa ku sugnaa waddooyinka Tel Aviv, iyadoo maamulku uu ka cago-jiidayo in la soo afjaro dagaalka ay Ciidamada Israel kula jiraan Xamaas iyo ururada kale ee hubeysan ee Falastiiniyiinta.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc