Wasiirada Amniga, Itamar Ben-Gvir iyo Maaliyadda Bezalel Smotrich ayaa buuq xoog leh ka abuuray gudaha Israel, ka dib markii ay shacabku ogaadeen inay ku dhow yihiin in la eryo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Israel, Gali Baharav-Miara.
Wasiiradan ayaa billihii u dambeeyay qorsheynayay, sidii shaqada looga ceyrin lahaa haweeneyda u janjeerta bidixda, loona keeni lahaa mid ay shaqadiisa la dhacsan yihiin.
Warbaahinta Israel ayaa sheegeysa in Golaha Wasiirada ay Isniintan cod u qaadi doonaan haweeneydan, oo haddii ay taasi dhacdo ay u badan tahay in ay jegadaasi waayi doonto.
Warbaahinta maxaliga ayaa ku warameysa in dowladdu ay qarka u saaran inay ansixiso go’aanka xil ka qaadista ee Gali Baharav-Miara, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.
Dadka rogroga Dastuurka Israel ayaa ku andacoonaya in xil ka qaadisteeda aanu dhaqangal noqon doonin, illaa Maxkamadda Sare ay go’aan ka gaarto cabashada ku saabsan xil ka qaadisteeda.
Haweeneydan ayaa waxay sheegtay in xil ka qaadisteeda ay meesha ka saari doonto maxkamadeynta Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ee ku saabsan kiiska musuq-maasuqa ee uu ku eedeysan yahay.
Gali Baharav-Miara ayaa ka digtay in Golaha Wasiirada ay wadaan qorshe ay ku ansixinayeen hindise sharciyeed cusub, kaas oo go’aaminaya in xilka laga qaadi karo Xeer Ilaaliye kasta, iyadoo aan wax ogolaansho ah looga baahneyn Maxkamadda Sare.
Gali Baharav-Miara ayaa sheegtay in haddii uu xeerkan dhaqangalo, iyadoo aan la marin habraacii saxda ahaa uu noqon doono mid lagu gaaro hadba natiijadii la rabo, waxayna ka digtay in laga tallaabsado shuruucda u degsan dalka.
Israeliyiinta qaarkood ayaa tallaabadan u arka isku day sharci darro ah oo lagu burburinayo dimoqraadiyadda Israel. Qaar badan oo ka mid ah shacabka Israel ayaa diidan in la eryo haweeneydan, waxayna Maxkamadda Sare ka rajeynayaan in shaqadeeda ay difaaci doonto.
Kumanaan qof oo Israeliyiin ah ayaa xalay isugu soo baxay afaafka hore ee hoyga ay haweeneydaasi ka degan tahay Magaalada Tel Aviv, si ay garab istaag ugu muujiyaan.
Shacabka Israel ayaa Wasiirada midigta fog (Wasiirka Maaliyadda, Bezalel Smotrich iyo Wasiirka Amniga, Itamar Ben-Gvir) ku eedeeyay in ay haadaan ka tuurayaan Israel, waxayna Raysal Wasaare Netanyahu ugu baaqeen in uu ilaaliyo dheeli-tirka Dowladnimada Israel, isla-markaana aanu dowladda ka dhigan mid ku shaqeysa magaca kuwa mayalka adag iyo fekradahooda.
Smotrich iyo Ben-Gvir oo ah xubnaha ugu xagjirsan ee Golaha Wasiirada Israel ayaa xisbiyada midigta fog ku metela dowadda shuraakada lagu yahay ee Netanyahu uu madaxda ka yahay, kuwaas oo la sheegay inay waqti badan geliyeen, sidii loo keeni lahaa Xeer Ilaaliye dhageysan kara, iyagoo kaga faa’iideysanaya Raysal Wasaaraha oo qudhiisa ka baxsanaya dacwadda kaga furan maxkamadda gudaha.
Labadan Wasiir ayaa lagu eedeeyay in buuqii ay horey uga abuureen dunida ay u soo wareejiyeen gudaha Israel, maadaama ay Raysal Wasaare Netanyahu ku riixayeen in uu carqaladeeyo heshiis kasta oo lala gaari karo Xamaas, si aan loo joojin dagaalka Gaza, iyadoo aan Xamaas laga adkaan.
Wasiiradan ayaa soo jiitay indhaha caalamka, sababtu tahay weerahooda ay sida tooska ah ugu sheegayaan, iyadoo ay dunida oo dhan daawaneyso in la sii wado xasuuqa dadka reer Gaza iyo in aan wax gargaar loo ogolaan inuu galo Gaza, tanina waxay ka carreysiisay bulshada caalamka iyo in Israel lagu yeero dowlad disha shacabka aan is difaaci karin.
Ben-Gvir iyo Smotrich ayaa sabab u noqday xiisadda aan horey nooceeda loo arag ee ka dhex taagan Israel iyo xulafadeeda reer galbeedka, oo si weyn uga horyimid gaajeysiinta ula kaca ah ee Tel Aviv ku hayso dadka rayidka ah. Hoggaamiyeyaasha reer galbeedka ayaa Israel ugu baaqay in ay soo afjarto dagaalka Gaza, in gargaarka loo ogolaado dadka gaajada ugu dhimanaya Marinka Gaza iyo in ay joojiso dhul boobka ay ka waddo Daanta Galbeed ee la haysto, balse ay Madaxda Israel ku gacan seyreen.
Dowladda haatan ka jirta Israel ayaa ku dhisan taageerada isbahaysiga midigta fog, waana tan Netanyahu khasabka kaga dhigeysa in mar kasta uu u nuglaado rabitaanka isbahaysiga midigta fog, si dowladdiisu uu burbur uga badbaadiyo, dalkana aan looga qaban doorasho waqtigeeda laga soo hormariyay.
Dadweynaha diidan in la eryo haweeneydaasi ayaa qaar ka mid ah waxay maanta isugu soo baxeen bannaanka Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel, oo lagu wado in codeynta xilka ka qaadisteeda ay ka dhacdo.
Shacabka Israel ayaa isha ku haya go’aanka dowladda ee la hadal hayo in jegada looga qaadi doono Gali Baharav-Miara, taasoo ay suurtagal tahay in ay horseeddo dibadbaxyo ballaaran.
Fagaareyaasha ayaa si kulul loogu dhalleeceyn doonnaa Ben-Gvir iyo Smotrich, oo horey rajo beel ugu riday qoysaska maxaabiista iyo waalidiinta askarta ka dagaalameysa Gaza.
Qoysaska dadkooda lagu haysto Gaza ayaa muddo dheer dalbanayay in laga shaqeeyo dib u soo celintooda, waxaana dib kaga biiray waalidiinta Ciidanka Difaaca Israel oo xaqiiqsaday in sii socoshada dagaalka Gaza laga leeyahay dano siyaasadeed. Waalidiinta ayaana ka walaacsan dhiig baxa ku socda wiilashooda iyo gabdhahooda.
Inkasta oo dadka Gaza ay yihiin kuwa qiimaha ugu badan ku bixinaya dagaalkan, haddana Ciidamada Israel ayaa lagu sheegaa dhibaneyaasha labaad ee dagaalka.
Xoogaga Xamaas iyo Islamic Jihaad ayaa dhawaan kordhiyay weerarada ay isaga caabinayaan duulaanka Ciidamada Israel, iyadoona ciidamadaasi ay bishii July la kulmeen khasaare xoog leh.
Militariga Israel ayaa ka walaac ka muujiyay kororka weerarada gaadmada ah ee lagu beegsanayo ciidamadooda, tani oo khubarada ay ku tilmaameen mid muujineysa inaanan muddooyinka laga adkaan karin iska caabinta Falastiiniyiinta reer Gaza.
Nidaamka hadda ka jira Israel oo ay majaraha u hayaan siyaasiyiintii ugu xagjirsaneyd ee hoggaamisa taariikhda Israel ayaa iska dhega tiraya qaylo dhaanta shacabkooda.