Home Wararka Maanta Danjire Diene oo la kulmay Wakiilada dalalka ay ciidamada ka joogaan Somaliya

Danjire Diene oo la kulmay Wakiilada dalalka ay ciidamada ka joogaan Somaliya

by Laacib

Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya ahna Madaxa Taageerada & Xasillinta ee Hawlgalka AUSSOM, Danjire El Hadji Ibrahima Diene ayaa kulamo ka bilaabay Magaalada Muqdisho, ka dib markii toddobaadkii hore uu soo gaaray dalka, isaga oo bedelay Danjire Mohamed El-Amine Souef.

Wakiilka cusub ee Midowga Afrika ayaa gelinkii dambe ee Talaadadii Muqdisho kula kulmay Wakiilada qaar ka mid ah dalalka Afrika ee ay ciidamada ka joogaan dalka, si ay uga wada hadlaan waajibaadka Hawlgalka AUSSOM ee Somaliya lagaga taageerayo howlaha sugidda amniga iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada.

“Danjire Diene ayaa dalalka militariga iyo booliska soo diray ku ammaanay doorka ay ku leeyihiin midnimada Afrika iyo sida adag ee ay uga go’an tahay geeddi-socodka nabad dhiska Somaliya. Wuxuu ballanqaaday inuu si dhow ula shaqayn doono Wakiilada dalalka ay ciidamadooda ka mid yihiin hawlgalka, si Somaliya ay u hesho nabad iyo amni waara.” Ayaa lagu yiri war xalay ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta ee AUSSOM.

Warka ayaa lagu sheegay “Wuxuu qiray horumarka illaa haatan laga sameeyay xasillinta Somaliya, isagoo ugu baaqay Beesha Caalamka inay sii waddo taageerada Hawlgalka Nabad Ilaalinta, si uu waajibaadkiisa u guto.”

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay Wakiilo ka kala socday Uganda, Kenya iyo Itoobiya, waxaana Danjire El Hadji Ibrahima Diene ku wehlinayay Kuxigeenkiisa Mouktar Osman Karie iyo Taliyaha Ciidanka AUSSOM, General Sam Kavuma.

Danjire Diene ayaa Isniintii safarkiisii ugu horreyay ku tagey Magaalada Kismaayo, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Saraakiisha Militariga Kenya ee qaybta ka ah Hawlgalka AUSSOM, si uu u ogaado howlaha ay AUSSOM ka waddo deegaanada Jubbaland, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiskiisa.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc