Iyadoo Wasiirada xagjirka ah ee ka tirsan Golaha Wasiirada Israel ay gadaal ka riixayaan in la qaado hawlgal ballaaran oo ciidamada ay kula wareegayaan Gaza oo dhan ayaa waxaa ku kala qaybsamay masuuliyiinta Israel.
Wasiirada Maaliyadda, Bezalel Smotrich iyo Amniga Itamar Ben-Gvir oo gebi ahaanba ka soo horjeedo in la joojiyo dagaalka Gaza iyo in heshiis lala galo Ururka Xamaas ayaa Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ku cadaadinaya in ciidamadu ay si qoto dheer u ballaariyaan ololahooda militari ee Gaza, si loo burburiyo Xamaas iyo in xoog lagu soo furto maxaabiista looga haysto gudaha Gaza, ka dibna Gaza lagu soo biiriyo dhulka Israel.
Tani ayaa waxaa qaadacay xubno Wasiiro ah iyo Saraakiisha Militariga, oo ku andacooday in qorshaha ceynkaasi ah uu khatar gelinayo nolosha maxaabiista.
Raysal Wasaare Netanyahu ayaa Talaadadii shalay baajiyay shir lagu waday in Golaha Wasiirada ay kaga hadlaan qorshaha ku aaddan in si buuxda loola wareego Maamulka Marinka Gaza.
Hase yeeshee Raysal Wasaaraha oo culeys uu ka soo fuulay Wasiirada mayalka adag ee xisbiyada midigta fog ka tirsan, isla-markaana isbahaysiga la ah dowladdiisa ayaa xalay la shiray Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida.
Shirkan ayaa la sheegay in uu horudhac u yahay kulamo wadatashi oo maanta illaa Khamiista berrito ah laga yeelan doono hawlgalka xiga ee laga samayn doono Gaza, iyadoo Xafiiska Raysal Wasaaruhu uu sheegay in Shirka Golaha Wasiirada uu qabsoomi doono 6:00 maqribnimo ee Khamiista.
Wararka ayaa sheegaya in fiidnimada Khamiista ay Golaha Wasiirada go’aan ka gaari doonaan, marka la horgeeyo siyaasadda qarameynta ee Gaza, inkastoo ay Israel wajaheyso cadaadis caalami ah oo lagu diidan yahay inay dhul kale ka qaadato Falastiiniyiinta.
Wasiirada ay madax martay Yahuudnimada, waa Wasiirka Amniga iyo kan Maaliyadda ayaa qoorta uga taagan Hoggaamiyaha Israel, oo aalaaba ay ugu hanjabaan in ay ridi doonaan dowladdiisa oo ku dhisan taageeradooda, haddii aan la sii wadin dagaalka Gaza.
Warbaahinta maxaliga ayaa ku warameysa in Taliyaha Ciidamada, General Eyal Zamir uu si weyn uga horyimid qorshaha Smotrich iyo Ben-Gvir ay ku doonayaan in ciidamadu ay si buuxda isugu fidiyaan Gaza oo dhan, sababtoo ah khasaaraha ciidamada oo aad u kordhi doona.
Warbaahinta ayaa sheegeysa in labadan Wasiir ay ku hanjabayaan in xilka laga qaadi doono Taliyaha Militariga, haddii aanu fulin qorshaha lagu la wareegayo Gaza.
Wasiirka Amniga, Itamar Ben-Gvir ayaa Taliyaha u bandhigay inuu caddeeyo in uu u hoggaansami doono awaamiirta dowladda, xitaa haddii go’aan lagu gaaro in Gaza la qaadanayo iyo in kale, laakiin aanu wax jawaab ahi u marin qalabka Warbaahinta.
Taliyaha ayaa la sheegay in uu fahamsan yahay waaqica dhabta ah ee ka jira goobta dagaalka, isla-markaana uu door bidayo in weerarkoodu uu u badnaado xagga cirka iyo in la difaaco meelaha ay hadda ciidamada kaga sugan yihiin Gaza, bedelkii la xoojin lahaa hawlgalka dhinaca dhulka.
Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel oo niyad wanaag u muujinaya Wasiirada mayalka adag ayaa ku dhawaaqay in ciidamada ku sugan Gaza ay fulin doonaan wejiga xiga ee dagaalka, ka dib 22 bilood oo aanay Tel Aviv xaqiijin ujeedooyinkeedii ay ugu duushay Marinka Gaza.
Israel ayaa Gaza ugu duushay burburinta Xamaas, dib u soo celinta maxaabiista iyo inaysan Gaza mustaqbalka khatar amni ku noqonin Israel, balse aan illaa iyo hadda lagu guuleysan.
Muddadii uu socday dagaalka, Israel ayaa marba cusbooneysiineysay istiraatiijiyadeeda dagaalka, tiiyoo aanay illaa iyo hadda wax natiijo ahi ku keenin, waana xilli dunida ay Israel ku eedeysay in ay awood xad dhaaf ah u adeegsaneyso dhul yar, oo ay ku nool yihiin in ka badan laba milyan oo qof.
Ma jirto cid sheegi karta waqtiga ay u baahan tahay Israel, si ay u wiiqdo awoodda militari ee Xamaas, waxayse khubarada oo dhan isku raacsan yihiin inaanan goorahaan laga adkaan karin Xamaas, oo ah garabka ugu weyn ee kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta.
Khubarada militariga iyo kuwa ka faallooda arrimaha amniga ayaa qaba in sababta ugu weyn ee Xamaas aan looga adkaan karin ay tahay, waa inay niyad u hayso dagaalkan iyo inaysan Ciidamada Israel wax mooral ahi u hayn inay ka sii dagaalamaan Gaza.
Warbaahinta Israel ayaa muddooyinkanba warineysay in ciidamada ku sugan Gaza ay dalbanayaan in si degdeg ah loo soo afjaro dagaalkan, iyaga oo ka cabanaya hurdo la’aan iyo daal badan, isla-markaana ay u baahan yihiin in ay ka nastaan dagaalka socday ku dhawaad labada sano.
Jananka hawlgabka ka noqday Ciidamada Israel ee lagu magacaabo General Itzhak Brik ayaa sheegay in Ben-Gvir iyo Smotrich ay maskax ahaan xanuunsanayaan, isla-markaana aysan wax beer jileec ahi u muujineyn qoysaska dadka looga haysto Gaza ee dalbanaya in la qaado dariiqa diblomaasiyadda, oo ay u arkaan waddada keliya ee iyagoo nool lagu soo celin karo dadkaasi iyo inaysan Wasiiradan eegeynin khasaaraha sii kordhaya ee ay ciidamadu kala kulmayaan dagaalkan.
General Itzhak Brik ayaa Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ka codsaday in uu badbaadiyo Israel, oo ay ugu horreyso in la joojiyo dagaalka Gaza, si loo soo sii daayo muwaadiniinta looga haysto. Wuxuu sheegay in dagaalkan aanu wax dan ahi ugu jirin Israel, balse uu Netanyahu ku ilaashanayo kursigiisa.
General Brik ayaa Madaxweynaha Mareykanka ku booriyay in uu Netanyahu culeys ku saaro dib u dhiska Israel, si looga badbaadiyo inay burburto, sida uu yiri.
Raysal Wasaarihii hore ee Israel, Ehud Olmert ayaa sheegay in Netanyahu iyo siyaasiyiinta ay xulafada yihiin inay xaalad adag dhexda ka geliyeen Israel.
Ehud Olmert ayaa xusay in Israel ay lumisay taageerada xulafadeeda caalamiga ah, oo ay ku jiraan dalalka reer galbeedka, sababo ku aaddan dilka xargaha goostay ee dadka rayidka ah iyo gargaarka ay ka hortaagan tahay, isagoona carabka ku adkeeyay in waxa ka dhacaya Gaza aan loo dulqaadan karin.
Olmert ayaa tilmaamay in Madaxweyne Trump uu ugu dambayn soo fara-gelin doono arrinta Gaza, haddii aysan xaaladdu sidaan ku sii socon karin, sida uu yiri.
Olmert ayaa sheegay in khaladka ugu weyn ee Israel gasho uu noqon doono, marka ay u dhaqaaqdo qorshaha ay ku qarameynayso Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto, waxaana uu ka digay in arrintaasi ay cawaaqib ba’an keeni doonto.
Bulshada caalamka ayaa ka soo horjeedsatay falalka guracan ee Israel muddada dheer ka wadday dhulka Falastiiniyiinta iyo diidmadeeda xaqa ay shacabka Falastiin u leeyihiin inay yeeshaan dal madaxbannaan.
Israel ayaa wajaheysa kala qaybsanaantii ugu weyneyd taariikhda oo dagaalkan uu ku yeeshay dadkeeda.