Home Wararka Caalamka Madaxweyne Trump oo wax laga weydiiyay qorshaha Israel ku qaadaneyso Gaza

Madaxweyne Trump oo wax laga weydiiyay qorshaha Israel ku qaadaneyso Gaza

by Laacib

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo gelinkii dambe ee Talaadadii ay Wariyeyaasha wax ka weydiiyeen inuu taageeray siyaasadda ay Israel ku qarameynayso Marinka Gaza ayaa diiday in uu ka hadlo inuu Mareykanku taageerayo qorshahaasi iyo in kale.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dalkiisu uu diiradda saarayo, sidii ay dadka reer Gaza u quudin lahaayeen, arrinta in Gaza la qaadanayana aanu waxba ka sheegi karin, isla-markaana ay khuseyso Israel.

“Waxaan ogahay in hadda aan Gaza u joogno, sidii aan dadka u quudin lahayn. Wixii kale ee ka baxsan kama hadli karo. Waxa ay soo jeedintu tahay waa mid u taal Israel.” Ayuu yiri Madaxweynaha Mareykanka oo dalkiisu uu yahay xulafada ugu weyn Israel ee dibadda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka ku nool Marinka Gaza ay la dhibaateysan yihiin cunto yari, isla-markaana ay Israel ka caawineyso gargaar qaybinta iyo sidoo kale lacagta.

“Marka taasi waa waxa aan diiradda saarayo. Illaa inta ka hartay, runtii waxba maka dhihi karo, taasi waxay noqon doontaa mid aad u badan oo ku xiran Israel.”

Qaar badan oo ka mid ah xulafada Israel ayaa ka soo horjeeda tallaabadan oo kale, balse Madaxweyne Trump ayaa sheegaya in aysan ahayn wax ka Mareykan ahaan khuseeya, haddii Gaza lala wareegayo iyo haddii kaleba.

Jarmalka oo ah dalka ugu weyn Yurub ee taageera Israel ayaa toddobaadkii hore uga digay in ay dhul boob ka sameyso Marinka Gaza iyo in aysan dadka rayidka ah ka eryin guryahooda iyo goobaha kale ee ay gabaadka ka dhiganayaan.

“Waxaan sidoo kale u baahanahay caddayn ka timaada Israel oo ah inaysan wadin siyaasad cayrin ah ama siyaasad ku darsasho firfircoon.” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Jarmalka, Johann Wadephul oo Khamiistii booqasho ku tagey Israel, lana kulmay madaxdeeda.

Wasiirka oo xilligaasi shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Jerusalem ayaa yiri “Jarmalka waxa uu si adag u garab taagan yahay Israel, isagoo ka shaqeynaya, sidii loo sii deyn lahaa haysteyaasha. Si aan ugu sii dhawaano yoolkan, waxaan hadda u baahanahay wax ka badan xabad joojin, waxaana la joogaa waqtigii dagaalkan la soo afjari lahaa.”

Wadephul ayaa sheegay in Jarmalku uu taageersan yahay xalka laba dal oo deris ah, nabadna ku wada nool, wuxuuse ka digay haddii taasi la wayo in Jarmalka uu bedeli karo mowqifkiisii taageerada Israel.

Dowladda wadaagga ah ee hadda ka jirta Israel oo ah tii ugu xagjirsaneyd ee soo marta taariikhda Israel ayaa siyaasiyiinta midigta fog ee ka tirsan ay u ololeynayaan in Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed loo sharciyeeyo Israel.

Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah (ICJ) ayaa sanadkii hore sharci darro ku tilmaamtay dhulka ay Israel ka haysato Falastiiniyiinta, ayna tahay in ay ka baxdo.

Ku dhawaad laba sano oo dagaalka Gaza uu socday, Golaha Wasiirada Israel ayaa lagu wadaa in Khamiista ay go’aan ka gaaraan istiraatiijiyad lagu ballaarinayo dagaalka, laguna sheegay siyaasad ay Israel si toos ah Marinka Gaza ugu darsaneyso dhulkeeda.

Tani ayaa ku soo aadeysa, xilli hoggaamiyeyaasha caalamka oo ay ku jiraan kuwa reer Yurub ay riixayeen in la soo afjaro dagaalka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc