Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa fiidnimada caawa shir guddoomin doona kulan xasaasi ah, kaas oo la sheegayo in Golihiisa Wasiirada ay go’aan kaga gaari doonaan qorshaha lagu la wareegayo Marinka Gaza.
Raysal Wasaaraha ayaa la sheegay in uu ka shaqeynayo, sidii ay ciidamada u ballaarin lahaayeen hawlgalkooda militari ee Gaza, iyadoo uu ujeedku yahay in ciidamadu ay gudaha u galaan qaybaha Gaza oo dhan.
Xafiiska Netanyahu ayaa xaqiijiyay in kulanka uu furmi doono 6-da fiidnimo ee Khamiistan, laguna soo bandhigi doono istiraatiijiyadda qaadashada ee Gaza.
Warbaahinta Israel ayaa waxay sheegtay in Taliyaha Ciidamada, General Eyal Zamir uu ka soo horjeedo in la xoojiyo hawlgalka dhinaca dhulka ee Gaza, isla-markaana uu u arko inay taasi noqon doonto dabin ay ku dhacaan ciidamadu.
Taliyaha ayaa la sheegaya in uu ka cago-jiidayo in ciidamada diyaarka ah oo dhan in la geeyo Gaza, si loo soo afjaro dagaalka daba dheeraaday ee lagu la jiro Xamaas.
Lama oga go’aanka kama dambeysta ah ee uu qaadan doono Taliyaha Militariga Israel, marka caawa uu furmo kulankan oo lagu wado in uu ka hadlo, iyadoo uuna culeys kala kulmayo Wasiirada xagjirka ah ee ka tirsan dowladda wadaagga ah, oo ugu hanjabaya in xilka laga qaadi doono, haddii aanu fulin go’aanka dowladda.
Tallaabadan ayaa waxaa xitaa diidan qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Wasiirada, oo tani ku sheegaya in ay khatar gelin doonto nolosha maxaabiista lagu haysto gudaha Gaza iyo in askar fara-badan ay ku waayi doonaan.
Qaramada Midoobey, Midowga Yurub iyo Shiinaha ayaa ka digay in Israel ay kordhiso weeraradeeda Gaza iyo in ay uga sii darto xaaladda bani’aadantinimo ee haddaba ka jirta dhulka muddada dheer go’doonsan.
Caalamka ayaa Israel ka dalbanaya in ay soo afjarto dagaalka Gaza iyo in ay gargaarka bani’aadantinimo u ogolaato dadka rayidka ah ee cunto yarida la ildaran.
Israel ayaa waxay u muuqataa mid aan illaa iyo hadda dhageysaneynin baaqyada caalamiga ah, iyadoo aan ilaalineyn nolosha dadka rayidka ah. Israel ayaa 22-kii bilood ee dagaalka uu socday ku dhiiraneysay in si aan kala sooc lahayn ay u leyso shacabka aan hubeysneyn.
Wasiirka Maaliyadda Israel, Bezalel Smotrich ayaa sheegay inaysan jirin wax ka hortaagan in ay qaataan oo la wareegaan Marinka Gaza.
Wasiirka ayaa sheegay in ay Gaza ka dhishi doonaan dhismayaal ay iyagu leeyihiin, oo sida uu yiri la dejiyo dadka Yahuudda, isla-markaana aysan arrintaasi afka uun ka sheegeen, balse ay ficil u bedelayaan.
Itamar Ben-Gvir, Wasiirka Amniga ayaa isna kulanka ka hor sheegay in ay qarameynayaan Gaza, oo noqon doonto sida uu yiri dhul ay Israel leedahay.
Labadan Wasiir oo ah kuwa ugu mayalka adag ee xukuumadda uu Netanyahu madaxda ka yahay ayaa ku celcelinaya in dadka reer Gaza ay ka rari doonaan dhulkooda, haddii kalena ay ku bixi doonaan gacanta ciidamadooda.
Qoysaska ay dadkooda ka maqan yihiin ayaa ka qaylo dhaaminaya in duulaanka soo socda uu noqon doono dhammaadka xubnaha ka tirsan qoysaskooda.
Walaac xoog leh ayaa la soo dersay waalidiinta dhashay askarta hadda ku sugan meelo ka mid ah Gaza iyo kuwa kale ee la qorsheynayo in halkaasi la geeyo.
Waalidiinta ma ogola in dagaalkan uu sii socdo, iyaga oo ka warqaba in aanu ahayn dagaal Israel, balse uu yahay dagaal laga leeyahay dano siyaasadeed.
Ma cadda waxa uu noqon doono go’aanka Golaha Wasiirada, marka ay noqoto ansixinta qorshaha lagu ballaarinayo dagaalka dhulka, si Gaza loogu soo daro dhulka Israel.