Home Wararka Caalamka Kulankii ugu adkaa oo weli u socdo Golaha Wasiirada Israel

Kulankii ugu adkaa oo weli u socdo Golaha Wasiirada Israel

by Laacib

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa la sheegaya in weli uu shir guddoominayo kulan saacado badan socdo, si Golihiisa Wasiirada ay go’aan uga gaaraan in militarigu uu la wareego Gaza iyo in kale.

Ka hor kulanka, Raysal Wasaaraha Israel ayaa wareysi uu siiyay Fox News ku sheegay in ay qorsheynayaan in Ciidamada Israel ay la wareegaan Marinka Gaza, ka dibna ay ku wareejiyaan maamul rayid ah oo aan Xamaas ahayn.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in ay hiigsanayaan in Xamaas laga saaro Gaza oo dhan, ka dibna ay ku tala jiraan in ay maamulkeeda ku wareejiyaan cid aanay uga baqdin qabin inay dhibaato ku tahay amniga Israel.

“Waxaan doonaynaa in aan la wareegno Gaza, si aan u sugno amnigeenna, ugana saarno Xamaas, isla-markaana aan u dhiibno maamul rayid ah oo aan Xamaas, kaas oo aan ahayn mid u ololeeya burburka Israel.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Netanyahu oo intaasi ku daray in Israel aysan dooneyn inay si toos ah ula wareegto oo ay maamusho Gaza.

Wararka ayaa sheegaya in Golaha Wasiirada iyo Taliyeyaasha Ciidamada ay si qoto dheer uga doodayaan in la taageero soo jeedinta Raysal Wasaaraha ee ku aaddan weerarka ballaaran ee lagu qabanayo Gaza.

Warbaahinta maxaliga ayaa ku warameysa in kulanka uu hareeyay kala qaybsanaan, sababtoo ah xubnaha qaarkood oo ka horyimid in la xoojiyo hawlgalka dhinaca dhulka ee Gaza, maadaama ay cawaaqib xumo ku yeelaneyso maxaabiista Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza iyo in khasaaraha ciidamadu uu kordhi doono, haddii ay qaadaan hawlgal ballaaran oo ay isugu fidinayaan deegaanada Gaza oo dhan.

General Eyal Zamir, Taliyaha Ciidamada Israel ayay wararku sheegayaan in uu ku adkeysanayo mowqifkiisa ah in laga habboon yahay in guutooyin hor leh oo ciidamo ah la geeyo Gaza, inkastoo ay goobta kaga cod badan yihiin siyaasiyiinta riixeysa wejiga xiga ee dagaalka.

Taliyaha ayaa la sheegay in uu ku andacooday in ciidamada ay ku go’doomi doonaan Gaza, hawlgalka noocaan ahna uu halis gelinayo maxaabiista harsan ee gacanta ugu jira kooxaha ka dagaalamaya Gaza.

Warbaahinta gudaha waxay sheegtay in saacado badan oo kulanka uu socdo aanay jirin wax calaamado ah oo muujinaya in go’aan loo dhan yahay illaa iyo hadda ay masuuliyiintu isla qaateen.

Fallanqeeyeyaasha ayaa sheegaya in Netanyahu iyo Wasiirada xagjirka ah ee ku daaban ay keliya u muuqato in la ansixiyo istiraatiijiyadda cusub ee dagaalka Gaza.

Qoysaska, ehelada & saaxiibada la haysteyaasha iyo taageereyaashooda ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee Xafiiska Raysal Wasaaraha ee Magaalada Jerusalem, iyagoo ku qaylinaya in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Gaza.

Dibadbaxayaasha ayaa buuq u bedelay goobtan oo Golaha Wasiirada ay weli kaga doodayaan qorshaha lagu seenta dheereynayo dagaalka labada sano ku dhow ee ka socda Marinka Gaza.

Netanyahu iyo siyaasiyiinta xisbiyada wax ka soo dhisay dowladdiisa ayaa dhegaha ka fureysanaya baaqyada gudaha iyo dibadda ee lagaga dalbanayo in aysan uga sii darin masiibada bani’aadantinimo ee ka jirta Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc