Home Wararka Caalamka Golaha Wasiirada Israel oo u codeeyay in la qabsado Magaalada Gaza

Golaha Wasiirada Israel oo u codeeyay in la qabsado Magaalada Gaza

by Laacib

Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa saaka soo saaray bayaan uu ku faah faahinayo qorshe lagu qabsanayo Magaalada Gaza iyo shan mabda’ oo lagu soo afjarayo dagaalka Marinka Gaza, oo xafiisku uu sheegay in Golaha Wasiirada ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Ciidamada Israel ay isku diyaarin doonaan inay gacanta ku dhigaan Magaalada Gaza, oo ah tan ugu weyn ee Marinka Gaza, iyagoo gargaar bani’aadantinimo siinaya dadka rayidka ah ee ka baxsan aagagga dagaalka.

“Ciidanka Difaaca Israel waxay isku diyaarin doonaan inay gacanta ku dhigaan Magaalada Gaza, iyagoo gargaar bani’aadantinimo siinaya dadka rayidka ah ee ka baxsan aagagga dagaalka.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Bayaanka ayaa lagu sharaxay mabaadi’da lagu joojinayo dagaalka, oo kala ah in hub ka dhigis lagu sameeyo Xamaas, dib u soo celinta maxaabiista kuwa nool & kuwa dhintayba, in Marinka Gaza aysan noqon goob militari amaba hubka laga heli karo, in Israel ay la wareegto amniga Marinka Gaza iyo in Gaza loo dhiso maamul rayid ah oo aan ahayn Xamaas ama Maamulka Falastiiniyiinta ee fadhigiisu yahay Magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed ee la haysto.

Kulankii xalay ee Golaha Wasiirada Israel ayaa waxaa hareeyay khilaaf, ka dib markii xubnaha qaarkood ay ka soo horjeesteen qorshahaasi, haddii uu halis gelinayo nolosha maxaabiista iyo inuu keenayo khasaare badan oo ciidamada ah.

Netanyahu oo raali gelinaya siyaasiyiinta isbahaysiga midigta fog ee dowladdiisa ay ku dhisan tahay taageeradooda ayaa qaatay go’aanka lagu ballaarinayo ololaha militari ee Gaza.

Qoysaska dadkooda lagu haysto Gaza ayaa waxay ka cabsi qabaan in duulaankan uu noqdo dhammaadka maxaabiista, waxayna dalbanayaan xalka keliya ee iyagoo nool ay guryahooda ugu soo laaban karaan, oo ah in wada hadal lala galo Xamaas, si loo gaaro heshiis maxaabiis is dhaafsi ah.

BBC ayaa qortay in qoysasku ay rabaan heshiis laga wada-xaajoodo, oo suurtagelinaya in la soo sii daayo xubnaha ka maqan qoysaskooda, si la mid ah wada-xaajoodyadii hore oo sahlay in Xamaas ay sii deyso qaar ka mid ah dadkii lagu qafaashay weerarkii 7-dii bishii October ee sanadkii 2023.

Magaalada Gaza oo ku taala waqooyiga Marinka Gaza ayaa waxaa ku nool boqolaal kun oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan kuwo si khasab ah looga soo barakaciyay guryahooda. Qorshaha ayaa taageeraya in la sii wado dagaalka Gaza oo dhan, illaa iyo inta ay Xamaas iska dhiibeyso.

Xamaas ayaa war ay soo saartay ku sheegay in Netanyahu uu u muuqdo keliya mid doonaya in uu halis geliyo maxaabiista nool, isagoo ku andacoonaya in uu iyaga la dagaalamayo. Xamaas ayaa warkeeda ku sheegtay in Netanyahu uu u adeegayo danihiisa gaarka ah.

Duqaymaha aan loo meel dayin ee ay Israel ka waddo Marinka Gaza ayaa horey u galaaftay nolosha tobanaan ka mid ah maxaabiista lagu hayo Gaza.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa Khamiistii sheegtay in tan iyo markii uu dagaalku bilowday ay weerarada Ciidamada Israel ku dhinteen 61,258 qof, oo u badan dumar iyo carruur.

Hoggaamiyeyaasha caalamka, marka laga reebo Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa la filayaa in ay ka horimaan doonaan qorshaha lagu la wareegayo Magaalada Gaza.

Qaramada Midoobey ayaa ku celisay digniinteeda ah in qorshaha ay Israel ku ballaarineyso duulaankeeda Gaza uu uga sii dari doono xaaladda cakiran ee bani’aadantinimo ee ka jirta dhulka go’doonsan.

Wakiilka Gaarka Qaramada Midoobey U Qaabilsan Xaaladda Xuquuqda Aadanaha ee Dhulalka Falastiiniyiinta ee la haysto, Francesca Albanese ayaa sheegtay in ku dhawaaqista Netanyahu ee qorshaha uu doonayo in uu ku qabsado Gaza ay tahay arrin naxdin leh, oo la mid ah sidii bilowgii dagaalka.

“Tani waxay ka hadleysaa rajo xumada Raysal Wasaaraha Israel.” Ayay tiri Francesca Albanese oo Netanyahu ku eedeysay in uu u janjeero ku xadgudubka shuruucda caalamiga ah.

“Way adag tahay in la qiyaaso inta uu le’eg yahay waxyeelada uu Netanyahu gaysan karo, sababtoo ah dadka reer Gaza way ka baxsan yihiin qarka burburka.” Ayay tiri Francesca Albanese oo intaasi ku dartay “Waxaan aragnay fashilka guud ee ku yimid ilaalinta bani’aadantinimada, taas oo dalbaneysa in dadka rayidka ah ay ka badbaadaan cawaaqibka dagaalka.”

Dagaalka Gaza ayaa noqonaya kiisii ugu adkaa ee ay Ciidamada Israel ka galaan Bariga Dhexe, tan iyo intii la aasaasay Dowladnimada Israel 77 sano horteed.

Dagaalkan ayaa kala qaybsanaan aan horey loo arag ka abuuray gudaha Israel, iyadoo Warbaahinta Israel dhaawaca ku yimid midnimadii shacabka ku tilmaamtay khatar dhab ah oo ku wajahan jiritaanka Dowladnimada Israel.

Bulshada caalamka ayaa ka soo horjeedsatay falalka guracan ee Israel muddada dheer ka wadday dhulka Falastiiniyiinta iyo diidmadeeda xaqa ay shacabka Falastiin u leeyihiin inay yeeshaan dal madaxbannaan.

Israeliyiin fara-badan ayaa ka walaacsan saamaynta ay mustaqbalka ku yeelan karto naceybka sii kordhaya ee ka jira dunida, isla-markaana lagu diidan yahay habdhaqanka Israel ee xadgudubka ku ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

Dagaalkan ayaa sare u qaaday qaddiyadda qaranimada Falastiiniyiinta iyo xuquuqdooda aasaasiga ah inay u noolaadaan, si la mid ah shacabka Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc