Home Wararka Caalamka Caalamka oo si weyn uga horyimid go’aanka Israel ee lagu qaadanayo Magaalada Gaza

Caalamka oo si weyn uga horyimid go’aanka Israel ee lagu qaadanayo Magaalada Gaza

by Laacib

Dunida ayaa waxay si weyn uga hortimid go’aanka Israel ay kula wareegeyso Magaalada Gaza iyo in la ballaarinayo hawlgalka militari ee Marinka Gaza.

Golaha Wasiirada Israel ayaa subaxnimadii Jimcaha ansixiyay qorshe lagu doonayo in lagu la wareego Maamulka Magaalada Gaza iyo in Marinka Gaza laga dhigo meel ay amnigiisa Israel gacanta ku hayso.

Tani ayaa waxay dhalisay cambaareyn caalami ah oo lagu diidan yahay tallaabadaasi, iyadoo dowladuhu ay ka digayaan cawaaqib bani’aadantinimo oo daran.

Madaxa Fulinta Midowga Yurub, Ursula von der Leyen ayaa sheegtay in Israel ay tahay inay dib u eegto qorshaheeda ay ku dooneyso inay kula wareegto Magaalada Gaza.

“Go’aanka Dowladda Israel ee ah in ay kordhiso hawlgalkeeda militari ee Gaza waa in dib loo eego.” Ayay tiri Ursula von der Leyen.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jarmalka, Talyaaniga, Ingiriiska, Australia iyo New Zealand ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen ku cambaareeyay qorshaha Israel, waxayna sheegeen in Israel ay halis ugu jirto inay ku xadgudubto sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

Dalalkan oo ka mid ah xulafada ugu waaweyn ee Israel ayaa uga digay inay uga sii darto masiibada aan la arkin ee bani’aadantinimo ee ka jirta Marinka Gaza.

“Go’aankan wuxuu khatar gelinaya nolosha la haysteyaasha, wuxuuna khatar dheeraad ah gelin doonnaa barakaca ballaaran ee rayidka.” Ayaa lagu yiri bayaanka.

Raysal Wasaaraha Ingiriiska, Keir Starmer ayaa go’aanka Israel ku sheegay mid khaldan, isagoona Tel Aviv ugu yeeray in ay is xakameyso.

“Go’aanka Dowladda Israel ee ku saabsan inay kordhineyso duulaanka ay ku hayso Gaza waa khalad, waxaana ku boorinaynaa inay si degdeg ah uga fiirsato.” Ayuu yiri Starmer oo inaasi ku daray “Tallaaadan waxba kama tari doonto in la soo afjaro colaaddan ama in la soo sii daayo la haysteyaasha. Waxay keeni doontaa oo keliya in dhiig badan uu daato.”

Norway, Denmark, Belgium, Spain, Sweden, Finland, Faransiiska, Netherlands, Turkiga, Shiinaha, Ruushka iyo Canada ayaa waxay sheegeen in aan la aqbali karin in Gaza laga dhigo meel la haysto.

Dowladahan ayaa waxay Israel ugu baaqeen in ay si degdeg ah u joojiso dagaalka Gaza iyo in ay qaaddo xayiraadaha gargaarka bani’aadantinimo, si wax looga qabto xaaladda cakiran ee dadka Gaza.

Dalalka cambaareynaya qorshaha Israel ayaa qaarkood uga digay inay cunaqabateyno saari doonaan, haddii aanay ka laaban oo aysan ka fiirsan arrintaasi.

Sacuudiga, Jordan, Masar, Emirate-ka Carabta, Qatar, Iran, Pakistan iyo Indonesia ayaa dhankooda tallaabadan ku sheegay inay wiiqeyso rajada nabadda ee Bariga Dhexe iyo inay uun sii xumeynayso xaaladda Gaza.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa isna sheegay in go’aankan uu khatar ku yahay xaaladda nololeed ee dadka rayidka ah ee muddooyinkanba ka sii dareysay, isla-markaana uu keeni doono barakac xoog leh iyo burbur hor leh.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in uu aad uga naxay go’aanka ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Israel ee lagu qaadanayo Magaalada Gaza.

“Go’aankani wuxuu calaamad u yahay kororka khatarta, wuxuuna uga sii darayaa cawaaqib xumadii hore ee mallaayiin Falastiiniyiin ah iyo maxaabiista Israel ee Gaza.” Ayuu yiri António Guterres oo xusay in go’aanka noocan ah uu horseedi doono in dad kaloo badani ay dhintaan.

Guterres ayaa Israel ugu baaqay in ay ogolaato xabad joojin joogta ah oo laga sameeyo Marinka Gaza iyo inay u hoggaansanto waajibka ka saaran sharciga caalamiga ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc