Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay ciidamada loo wado dagaalka Gaza

Wararkii ugu dambeeyay ciidamada loo wado dagaalka Gaza

by Laacib

Taliska Militariga Israel ayaa bilaabay abaabulka guutooyinka cusub ciidamada ee la gaynayo Marinka Gaza, iyadoo la fulinayo go’aankii Jimcihii ka soo baxay Golaha Wasiirada ee lagu qabsanayo Magaalada Gaza, isla-markaana lagu la wareegayo amniga Marinka Gaza.

Saraakiisha Hoggaanka Hawlgalinta ayaa la sheegaya in kumanaan askari ay u daabulayaan koonfurta Israel, si halkaasi ay uga soo galaan Magaalada Gaza oo ku taala waqooyiga Marinka Gaza.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidamada Israel, General Eyal Zamir uu ku gowracan yahay in uu u hoggaansamo awaamiirta dowladda, waana xilli ciidamadu aysan wax niyad ahi u hayn in la sii wado dagaalkan. Warbaahinta maxaliga ayaa ku warantay in Taliyaha Militariga uu masuuliyiinta siyaasadda uu kol horeba u caddeeyay in duulaanka ceynkani ah uu khatar gelinaya askarta iyo xitaa maxaabiista Israeliyiinta ee lagu haysto gudaha Gaza, laakiin aan la dhageysan.

Warbaahinta ayaa sheegtay in Wasiirada xagjirka ah ee ka tirsan xukuumadda uu Benjamin Netanyahu hoggaamiyo ay jananka khasab kaga dhigeen in uu u hoggaansamo awaamiirta qaranka, ee ah in ciidamadu ay isku ballaariyaan deegaanada Gaza oo dhan, iyaga oo qaadaya guluf ay tahay in xididada loogu siibo Ururka Xamaas ee Falastiin.

Dunida ayaa si weyn uga hortimid go’aanka ka soo baxay Golaha Wasiirada Israel ee 22 bilood ka dib lagu qaadayo guluf weyn oo militari. Caalamka ayaa cambaareeyay qorshaha ay Israel Magaalada Gaza ugu soo dareyso dhulkeeda iyo in amniga Marinka Gaza la hoos keeno Israel. Dalalka gobolka iyo kuwa kale ee caalamka ayaa ka digay in tallaabadan ay keliya uga sii dareyso xaaladda adag ee bani’aadantinimo ee ka jirta guud ahaanba Gaza.

Qaramada Midoobey ayaa ka digtay in la wareegitaanka militari ee dhameystiran ay cawaaqib xun ku noqoneyso Falastiiniyiinta reer Gaza iyo la haysteyaasha Israel.

Xulafada Israel ee dibadda, marka laga soo tago Mareykanka ayaa ugu hanjabaya inay cunaqabateyno ku soo rogi doonaan, haddii aanay go’aankan ka laaban.

Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa mar sii horreysay sheegay in hanjabaadaha cunaqabateynta ee uga imanaya wadamada adduunka aysan wiiqi doonin go’aankoodan.

“Waa laga soo gudbay maalmihii aysan Yahuudda is difaaci jirin. Cadowgayagu waxay noo arki doonaan, sidii hal gacan oo adag oo mideysan oo ku weerari doona cudud weyn.” Ayuu yiri Wasiirka Difaaca Israel.

Dhanka kale mudaaharaadyo ayaa xalay ka dhacay Magaalooyinka Haifa, Tel Aviv iyo Jerusalem, oo shacabka Israel ay ku diidan yihiin qorshaha ay dowladdoodu ku qabsaneyso Magaalada Gaza, oo ah midda ugu weyn ee Marinka Gaza.

Magaalada Jerusalem ayaa waxaa waddooyinkeeda isugu soo baxay kumanaan qof, oo ay horkacayaan qoysaska dadkooda lagu haysto Gaza. Dadkan ayaa u dhaqaaqay dhanka hoyga uu Raysal Wasaare Netanyahu ka degan yahay magaaladaasi, si ay u muujiyaan carradooda ku aaddan qorshaha ay dowladdiisa ku dooneyso inay si buuxda ugu qabsato Magaalada Gaza.

350 askari oo ka soo dagaalamay Marinka Gaza oo qayb ka ahaa mudaaharadka ayaa watay boorar ay ku qoran yihiin ‘waan diidnay dagaalka siyaasadeed ee Netanyahu’.

Dowladdan uu Netanyahu madaxda ka yahay oo lagu sheegay middii ugu xagjirsaneyd ee taariikhda Israel ayaan wax dheg jalaq ahi u siineyn cadaadiska gudaha iyo dibadda ee lagu saarayo in la soo afjaro dagaalkan.

Netanyahu oo raali gelinaya Wasiirada Maaliyadda, Bezalel Smotrich iyo Amniga Itamar Ben-Gvir oo wax ka soo dhisay dowladdiisan ku tiirsan taageerada xisbiyada midigta fog ayaa u muuqdo mid ay ka go’an tahay in aan la joojin dagaalka lagu hoobtay ee Gaza.

Netanyahu iyo Wasiirada xagjirka ah ee garab socda ayaa ku miigan in la sii wado xasuuqa Gaza, iyagoo is diidsiinaya cawaaqibka siyaasadeed iyo kan sharci ee ka dhalanaya ku tumashadooda sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc