Home Wararka Caalamka Dowladda Mareykanka oo joojisay fiisooyinkii caafimaadka ee carruurta Gaza

Dowladda Mareykanka oo joojisay fiisooyinkii caafimaadka ee carruurta Gaza

by Laacib

Ka dib markii haweeneyda u dhaqdhaqaaqda siyaasadda midigta fog ee Mareykanka ay Jimcihii sheegtay in ay weydiinayaan carruurta Gaza ee caafimaadka loo keeno Mareykanka sida ay fiisaha ku helaan ayaa waxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka sheegtay in ay joojinayaan dhammaaan booqashada dadka ka imanaya Gaza, inta dib u eegis lagu sameynayo.

Wasaaradda ayaa sheegtay in fiisaha la joojin doono, iyadoo la eegayo sida tiro yar oo fiisooyin caafimaad iyo bani’aadantinimo ku meel-gaar ah loo soo saaray maalmihii la soo dhaafay.

Marco Rubio, Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka oo xoojinaya go’aanka wasaaraddiisa ayaa sheegay in tallaabadan ay timid, ka dib markii xafiisyo badan oo Congress-ka ah su’aalo laga weydiiyay arrintan.

Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan tiro yar oo fiisaha la siiyay carruurta u baahan gargaar caafimaad, balse ay la socdaan dad waaweyn.

“Qaar ka mid ah hay’adaha ku faanaya inay ku lug leeyihiin helitaanka fiisooyinkan waxay xiriir adag la leeyihiin kooxaha argagixisada ah, sida Xamaas.” Ayuu yiri Wasiirka, isaga oo aan soo bandhigin wax caddeyn ah, sidoo kalena ma magacaabin hay’adaha dadka reer Gaza ka taageera inay fiisooyinkaasi helaan.

“Waan joojin doonnaa barnaamijkan oo dib u qiimeyn ayaan ku samayn doonnaa, sida fiisahaas loo shaandheynayo.” Ayuu yiri Wasiirka.

Iyadoo shacabka Mareykanka ay ka soo horjeedaan dhiigga dadka reer Gaza ee la daadinayo ayay dowladda dalkaasi sii waddaa taageeradeeda indha la’aanta ee Israel.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc