Israel ayaa miisaameysa jawaabta ay Xamaas habeenkii Isniinta ka bixisay hindisaha xabad joojinta Gaza ee ay soo jeediyeen dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ee Qatar iyo Masar.
Hindisahan oo ah mid aad ugu eg midkii uu horey u soo jeediyay Ergayga Mareykanka ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff ayaa ku saabsan in 60 maalmood xabad joojin ah laga sameeyo Marinka Gaza, in Xamaas ay sii deyso 10 ka mid ah maxaabiista Israel ee nool iyo inay wareejiso 18 ka mid ah meydadka maxaabiista, iyadoo ku bedelaneysa in la sii daayo 200 Falastiiniyiin ah oo ku xiran xabsiyada Israel iyo tiro aan la cayimin oo haween iyo carruur aan qaangaar ahayn. Maxaabiista loo soo deynayo Xamaas ayaa waxaa ku jira qaar ka mid ah dadka ku xukuman xabsi daa’inka iyo xabsiyada dhaadheer, sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan Xamaas.
Hindisaha ayaa sidoo kale soo jeedinaya in muddada xabad joojinta ku-meel-gaarka ah ay Xamaas ogolaato in ay wareejiso xukunkeeda Gaza iyo in hub ka dhigis lagu sameeyo, balse Xamaas ay bedeshay qodobka in hubkeeda ay wareejiso, iyadoona ku bedeshay in xoogageeda ay la shaqeeyaan maamulka soo socda ee Gaza loo sameynayo.
Saraakiisha Masar iyo Qatar ayaa riixayay soo jeedino lagu doonayo in dib loogu bilaabo wada hadaladii labada dhinac ee ku aaddanaa qorshaha xabad joojinta ee Mareykanka uu taageeray, si looga hortago duulaanka cusub ay Israel sheegtay inay ku qaadeyso Gaza.
Wakaaladda Wararka Reuters ayaa laba sarkaal oo reer Israel ka soo xigatay in maamulku uu dalbaday in la sii daayo dhammaan maxaabiistooda, oo 20 ka mid ah ay aaminsan yihiin in ay nool yihiin.
Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa muddooyinkan ku gorgortamayay in maxaabiista ay ku sii wada deyn karaan, marka ay Israel ogolaato xabad joojin joogta oo wadata damaanad amni, oo ah in Israel aysan dagaalka dib u bilaabi doonin, taasoo ay diiday.
Warbaahinta caalamiga ah ayaa Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ka soo xigatay in Raysal Wasaaruhu uu hindisaha heshiiska wadatashi ka gelin doono Golihiisa Wasiirada, jawaabtana la filayo labada maalmood ee soo socda, haddii aysanba ka soo hormarin.
Xoghayaha Warfaafinta ee Aqalka Cad, Karoline Leavitt ayaa sheegtay in Xamaas lagu khasbay in ay aqbasho heshiiskan, balse wax jawaab ah kama bixin, haddii ay dhacdo in Israel aysan dhankeeda aqbalin.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Majed Al Ansari ayaa sheegay in hindisaha xabad joojinta ee 60-ka maalmood uu ku jiri doono dariiq loo maro heshiis dhameystiran oo lagu soo afjarayo dagaalka.
Hindisaha heshiiska ayaa ogolanaya in muddada xabad joojinta ay Ciidamada Israel qayb ahaan ka baxaan Marinka Gaza iyo in gargaar dheeraad ah la geliyo dhulka go’doonsan, halkaas oo dad ka badan laba milyan oo qof ay si isa soo tareysa ugu wajahayaan macluul.
Jawaabta Israel ayaa ah mid la wada sugayo, si loo xaqiijiyo rajada toddobaadkan dadka ku dhalatay ee in heshiis xabad joojin ah la gaari karo.
Dagaalka Gaza ayaa cambaar ku noqday dunida, sida ay ugu guuldareysatay in si dhakhsa ah loo joojiyo dembiyada dagaal ee ku dhawaad labada sano ay Israel ka gaysaneysay Marinka Gaza.