Xaalad bani’aadantinimo oo aad u liidato ayaa ka jirta Marinka Gaza oo dhan, iyadoo weli Israel ay is hortaag ku hayso qulqulka gargaarka bani’aadantinimo ee loogu talagalay in la geeyo qaybaha Gaza.
In ka badan laba milyan oo qof oo Falastiiniyiin ah ayaa macluul aan horey nooceeda loo arag ugu wajahaya gudaha Gaza, iyadoo kolonyada gargaarka bani’aadantinimo lagu hortaagan yahay bannaanada Gaza.
Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa sheegtay in gaadiidka gargaarka ay ku xaniban yihiin isgoysyada laga soo galo Marinka Gaza, waxayna UNRWA ay Israel ku eedeysay in ay diidan tahay in gargaar ku filan dadka uu galo Gaza.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa maanta sheegtay in ay diiwaangelisay kiisas cusub oo dhimasho ah, oo ka dhashay gaajeysiinta ula kaca ah ee Israel.
Wasaaradda ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in laba qof oo kale ay gaajo ugu geeriyoodeen Marinka Gaza, 24-kii saac ee u dambeysay.
Wasaaradda ayaa waxay sheegtay in tirada dadka gaajada ugu geeriyooday Gaza ay gaartay 271 qof, oo 112 ka mid ah ay carruur yihiin.
Philippe Lazzarini, Madaxa Hay’adda UNRWA ayaa sheegay nafaqo darrada carruurta Gaza inay kor u kacday lix laab, tan iyo bishii March.
Tirada dadka gaajada ugu dhintay Gaza ee ay wasaaraddu sheegtay ayaa ah inta laga warqabo amaba la diiwaangeliyay, waxaana laga cabsi qabaa in ay intaasi aad uga badan tahay.
Dhanka kale tan iyo waaberigii Khamiistan, ugu yaraan 40 qof oo shacab ah ayaa ku dhintay weerarada Ciidamada Israel ay ka gaysanayaan Gaza, sida ay sheegeen dhakhaatiirta ka hawlgasha isbitaalada yar ee hadda ka shaqeynaya Marinka Gaza.
Dadkan ayaan ku jirin 70 qof oo 24-kii saac ee la soo dhaafay lagu dilay Marinka Gaza, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Gaza, oo intaasi ku dartay in 356 kalena ay ku dhaawacmay duqaymaha aan kala joogsiga lahayn ee Ciidanka Cirka Israel.
Wadarta guud tirada dadka lagu dilay Gaza ayaa gaareysa 62,192 qof oo u badan dumar iyo carruur, halka 157,114 kalena ay dhaawacmeen, sida lagu sheegay warbixinta maalinlaha ah ee Wasaaradda Caafimaadka Gaza ee saaka la daabacay.
Xaaladda dadka reer Gaza ayaa aad uga sii dareysa marba marka ka dambeysa, waana xilli Israel ay ballaarineyso duulaankeeda Marinka Gaza.
Iyadoo dunida oo dhan ay Israel ka dalbaneyso in ay joojiso weeraradeeda Gaza iyo in ay ogolaato in wax laga qabto masiibada bani’aadantinimo ee halkaasi ka jirta ayay haddana ku dhiiraneysaa in ay sii xumeyso xaaladda nololeed ee shacabka aan is difaaci karin.