Israel ayaa galabta weerar culus oo xagga cirka ah ku qaadday magaalo madaxda dalka Yemen ee Sanca, iyadoona weerarkan uu noqonayo kiisii labaad ay maalmo yar gudahood ka gaysato magaaladaasi.
Telefishinka Al Masirah oo ku hadla afka Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka Israel ay duqeeyeen bartilmaameedyo ku yaala magaaladaasi.
Dadka ku nool Magaalada Sanca ayaa sheegay in duqaymo kala dambeeyay ay ka dhaceen agagaarka Xarunta Madaxtooyada iyo in sidoo kale la garaacay dhisme ku yaala koonfurta magaaladaasi.
Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua oo soo xiganeysa goobjoogeyaasha ayaa ku warantay in 10 qarax oo waaweyn ay ka dhaceen koonfurta magaalada, oo ay ku jiraan Buurta Attan, Fagaaraha Al-Sabeen iyo Xarunta Dhexe ee Hay’adda Nabad Sugidda.
Muuqaalo la soo dhigay barraha bulshada ayaa muujinaya burbur soo gaaray Buurta Attan, oo ah buur caan ah oo ku taala koonfur galbeed Sanca.
Warbaahinta madaxabannaan ee Israel ayaa sheegtay in la beegsaday goobo kala duwan oo ku yaala magaalada, isla-markaana ay ku badan yihiin saraakiisha sarsare ee Xuutiyiinta.
Raadiyaha Ciidamada Israel ayaa ku waramay in isku mar la garaacay dhowr goobood, oo ay ku uruursanaayeen, isla-markaana ay isugu yimaadeen Saraakiisha Xuutiyiinta.
Wasaaradda Gaashaandhiga Xuutiyiinta ayaa beenisay wararka sheegaya in duqaynta lala eegtay xubno saraakiil ah oo ka tirsan ururka reer Yemen.
Nasruddin Amer oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xuutiyiinta ayaa isna beeniyay sheegooyinka ku saabsan in saraakiishooda lagu weeraray Magaalada Sanca.
Nasruddin Amer ayaa weerarka ku sheegay mid ka dhan ah shacabka Yemen, sababtoo ah buu yiri taageerada ay siinayaan dadka Gaza.
“Wareegga cusub ee gardarrada Sahyuuniyadda ayaa guuldareystay, sidii kuwii ka horreyay. Hawlgalada Yemen iyo sidoo kale taageerada Yemen ee Gaza iyo iska caabinta Falastiin ma joogsan doonaan, illaa gardarrada cadowga ee Gaza ay joogsato, go’doomintana la qaado.” Ayuu yiri Nasruddin Amer.
Taliska Militariga Israel ayaa war uu caawa soo saaray ku sheegay in weerar qorsheysan oo hawada ah ay ku qaadeen goob militari oo ku taala aagga Sanca, ka dib markii ay maanta ka hortaggeen laba diyaaradood oo drones ah oo Xuutiyiinta ku soo weerareen Israel.
Taliska ayaa sheegay in Xuutiyiinta ay weeraro gardarro ah ku hayaan Israel, si ay u waxyeeleeyaan iyaga iyo xulafadooda, isla-markaana ay u qalqalgeliyaan nidaamka gobolka, una carqaladeeyaan amniga badaha caalamiga ah iyo xorriyadda socdaalka.
“Ciidanka Difaaca Israel waxay si weyn uga soo horjeedaan nidaamka argagixisada ee Xuutiyiinta, iyadoo ay barbar socoto hawlgalada ka dhanka ah Xamaas ee Gaza, waxayna sii wadi doonaan inay ka shaqeeyaan, sidii ay u baabi’in lahaayeen dhammaan khataraha ku wajahan rayidka Israel.” Ayaa lagu yiri warka militariga oo aan lagu sheegin cid gaar ahi oo weerarka ay la eegteen.
Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa sheegay in Xuutiyiinta Yemen ay horey u siiyeen digniin ah inaysan carqaladeynin amniga Israel, laakiin sida uu muujiyay ay dhageysan waayeen.
Wasiirka ayaa warsaxaafadeed ku sheegay inaysan ka waaban doonin inay iska difaacaan, waxa uu ku sheegay gardarrada Xuutiyiinta.
Warbaahinta Cibriga ayaa ku warantay in la bilaabayo duqaymo si gaar ah loogu ugaarsanayo Saraakiisha Siyaasadda Xuutiyiinta, haddii ay ka tanaasuli la’yihiin taageeradooda Falastiiniyiinta Gaza.
Ciidanka Cirka Israel ayaa gelinkii dambe ee Axaddii duqeeyay Magaalada Sanca, iyaga oo ka jawaabaya gantaal ay Xuutiyiinta habeenkii Jimcaha ku weerareen bartamaha Israel, isla-markaana walaac amni ka abuuray gudaha Israel, markii gantaalkaasi uu ka baxsaday nidaamkooda difaaca hawada.
Duqayntii maanta ee Sanca ayaa lagu soo beegay xilliga maxaliga ah ee telefishinada laga daawado khudbadda Khamiislaha ee Hoggaamiyaha Xuutiyiinta, Abdul-Malik Al Houthi uu kaga hadlo xaaladda Bariga Dhexe.
Duqayntan ayaa waxaa lagu sheegay tii ugu xooganeyd ee ay Israel ka gaysato Sanca, ka dib 13 bilood oo marar kala duwayn ay duqaymo ka fulisay dalkaasi Yemen.
Israel ayaa bishii July ee sanadkii 2024 bilowday inay garaacdo bartilmaameedyada Xuutiyiinta ee dalkaasi, ka dib muddo ay gantaalo iyo drones ku weerarayeen dhulkeeda iyo weliba maraakiibta ku wajahan dekedaheeda ee mareysa Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, iyaga oo ka soo horjeedo gacanta adag ee ay ku wajaheyso dadka rayidka ah ee ku nool Marinka Gaza.
Illaa iyo hadda, Xuutiyiinta ayaan ka warbixin khasaaraha nafeed ee ka dhashay duqayntan ugu dambeysay.