Shacabka Israel ayaa waxay u muuqdaan kuwo ay weli ka go’an tahay in ay sii wadaan isku dayadooda ay cadaadiska ku saarayaan dowladda, si ay uga joojiyaan qorshaha ay ku sii riixeyso dagaalka 23-ka bilood ka socdo Marinka Gaza.
Kumanaan qof ayaa xalay mudaaharaad ka dhigay Magaalooyinka Tel Aviv iyo Jerusalem, iyagoo dalbanaya in dowladdu ay heshiis la gasho Ururka Xamaas, si loo xaqiijiyo in maxaabiista ka maqan la soo celiyo.
Dibadbaxayaasha ayaa gebi ahaanba ka soo horjeedo dadaalada ay dowladdu ku ballaarineyso dagaalka Gaza, si aan khatar loo gelin masiirka maxaabiista lagu hayo gudaha Gaza.
Dibadbaxayaasha ayaa habeenkii Sabtida isugu soo baxay waddooyinka magaalooyinkaasi, xilli ay wateen sawirrada maxaabiista. Dadkan ayaa ku qaylinayay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka Gaza, isla-markaana aan loo baahneyn in uu sii socdo, waxa ay ku sheegeen dagaalka siyaasadeed.
Dadka ay ka maqan yihiin xubnaha ka midka ah qoysaskooda ayaa Madaxweyne Donald Trump ku booriyay in uu adeegsado saamayntiisa siyaasadeed, isla-markaana uu soo afjaro dagaalkan.
Dibadbaxayaasha Tel Aviv oo kale ayaa watay boor weyn oo uu ku qornaa ‘Trump taariikh samee’, oo ay uga la jeedaan in uu sameeyo wax kasta oo uu awoodo, si uu uga shaqeeyo heshiiska nabadda ee gobolka.
Qoysaska iyo ehelada ee dadka la haysto ayaa ku celcelinaya dariiqa diblomaasiyadda in uu yahay xalka keliya ee iyagoo nool ku soo laaban karaan maxaabiista.
Dhanka kale Ciidamada Booliska iyo dibadbaxayaasha ayaa isku dhacay meelo ka mid ah Jerusalem iyo Tel Aviv, waxa ayna qabqabteen tiro ka mid ah dibadbaxayaasha.
Qoysaska la haysteyaasha oo taageerayo ka helaya shacabka Israel ayaa ku hanjabaya inaanan la cabsi gelin karin, isla-markaana ay sii wadayaan dalabkooda ku saabsan in la gaaro heshiis lagu soo celinayo kuwa ay jecel yihiin, si mar kale ay u midoobaan.
Mudaaharaadyada ka socdo Israel ayaa kordhay, ka dib markii Golaha Wasiirada ay toddobaadyo ka hor ansixiyeen qorshaha lagu xoojinayo dagaalka, isla-markaana lagu qabsanayo magaalada ugu weyn ee Marinka Gaza.
Madaxda Israel ayaa iska indha tiraya cadaadiska gudaha iyo midka caalamiga ah ee lagu diidan yahay sii socoshada dagaalka labada sano ku dhow ee ka socdo Gaza.