Home Wararka Caalamka Trump oo sheegay inuu hoos u dhacay taageeradii Mareykanka ee Israel

Trump oo sheegay inuu hoos u dhacay taageeradii Mareykanka ee Israel

by Laacib

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in dagaalka ka socdo Marinka Gaza uu dhaawacay sawirka Israel, isagoona sheegay in sii socoshada dagaalkan uu sii xumeynayo muuqaalkeedii adduunka iyo inay noqoto dowlad go’doon ah.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ka digay in iyada oo laga yaabo inay Israel ku guuleysato dagaalka Gaza, haddana ay lumineyso taageerada caalamiga ah.

“Laga yaabo inay Israel ku guuleysato dagaalka, laakiin kuma guuleysanayaan xiriirka bulshada caalamka.” Ayuu yiri Madaxweynuhu oo Israel uga digay inay gacmaheeda ku burburiso danaheeda istiraatiijiga ah.

Madaxweynaha oo wareysi bixiyay ayaa si maldahan Israel ugu bandhigay in ay kala doorato inay ku guuleysato dagaalka Gaza iyo inay waayaan xiriirka dibadda.

“Waxaa laga yaabaa inay ku guuleystaan ​​dagaalka, laakiin kuma guuleysanayaan xiriirka dadweynaha, waad ogtahay, wuxuuna dagaalku dhaawacayaa iyaga.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo xoojinayay digniintiisa ku saabsan in dagaalkan uu cawaaqib ba’an ku yeelanayo masiirka Israel.

“Waxay u baahan yihiin inay ka gudbaan dagaalka Gaza.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo wareysi siiyay Shabakadda Wararka Daily Caller ee fadhigeedu yahay Magaalada Washington.

Madaxweynaha oo wareysiga lagu weydiiyay bal inuu ka walaacsan yahay hoos u dhaca taageerada Mareykanka ee Israel oo uu ku jiro Xisbigiisa Jamhuuriga ayaa ku jawaabay “Waan ka warqabaa.”

Madaxweynaha ayaa qiray in uu jiro is bedel gudaha Mareykanka, sababtana wax kale kuma sheegin aan ka ahayn dagaalka lagu hoobtay ee Gaza.

“Waxay ahayd wax la yaab leh, markii aan arkay hoos u dhaca taageerada Israel ee Congress-ka.” Ayuu yiri Trump oo intaa raaciyay “Dadku waxay ilaabeen October 7. Waad ogtahay 7-dii bishii October waxay ahayd maalin aad u xun, waxaan arkay sawirrada.”

Waxa uu sheegay in uu qaaday tallaabooyin xisbiga dhexdiisa ah oo uu ku difaacayo Maamulka Israel, isagoo intaasi ku daray in ka Aqalka Cad ahaan ay garab taagan yihiin Israel.

Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka ayaase sheegaya in marka la fiiriyo muuqaalka guud ee dalka Mareykanka inuu jiro hoos u dhac weyn oo ku yimid taageeradii Israel.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in Israel ay mar qabatay lobby-ga ugu weyn ee Congress-ka Mareykanka (Labada Aqal), balse saamayntaasi ay hadda hoos u dhacday.

Lobby-gu waa albaabka laga soo galo siyaasadda Mareykanka, gaar ahaan in aad xubin ka noqoto Congress-ka, lobby-ga Yahuudda Mareykankana waa kan ugu weyn ee ka jiray dalkaasi.

“Israel waxay ahayd ololihii ugu xooganaa ee aan ebid arko, waxayna si buuxda u maamulayeen Congress-ka, laakiin uu hadda dhaawac ku yimid.” Ayuu yiri Madaxweynuhu oo intaasi ku daray “Waxaa jirtay waqti, haddii aad rabto inaad siyaasi noqoto, aaddan si xun uga hadli karin Israel.”

Shacabka Mareykanka ayaa marar fara-badan dhigay dibadbaxyo ay ku diidan yihiin taageerada militari ee Washington ay siiso Israel ee lagu leynayo dadka reer Gaza. Shacabka ayaa Aqalka Cad ka dalbaday in gacmaha la qabto Israel, lagana joojiyo dhiigga ay daadineyso, balse aanu cadaadiskaasi shaqeyn, taasi bedelkeedana ay bilaabeen inay qalabka Warbaahinta ka weeraraan Israel.

Trump ayaa ololihiisii dib u doorashada madaxtinimada ee bishii November ballanqaaday in uu soo afjari doono dagaalka Gaza, ha yeeshee markii uu xafiiska ku soo laabtay bishii January uu ka gaabiyay arrintaasi.

Trump ayaa waxaa dabray saamaynta weyn iyo galaangalka ay Israel ku leedahay siyaasadda Mareykanka, waana tan keentay in ay xoogeysato aragtidii shacabka Mareykanka ee in Israel ay si dadban u maamusho dalkaasi.

Israel horey cilaaqaad la taaban karo u lama lahayn dunida, marka laga soo tago dalalka reer galbeedka oo xulafo ay la ahayd, tiina waxaad arkaysaa in la isaga daba yimid.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc