Home Wararka Caalamka Madaxda Israel oo si la yaab leh uga falceliyay go’aanka ay Xamaas ku sii deynayso maxaabiista

Madaxda Israel oo si la yaab leh uga falceliyay go’aanka ay Xamaas ku sii deynayso maxaabiista

by Laacib

Israel ayaa ku gacan seyrtay Xamaas ogolaanshaheeda ku saabsan inay sii deynayso dhammaan maxaabiista Israeliyiinta, oo ah waxa loogu baahida badan yahay gudaha Israel, si dadkaasi ay dib ula midoobaan qoysaskooda, waana waxa ay dalbanayaan dadka dibadbaxyada ka wada Israel.

Masuuliyiinta Israel ayaa muddo dheer xabad joojinta Gaza ku xirayay in la sii daayo dhammaan dadka looga haysto gudaha Gaza, inkastoo mar kasta oo heshiis lagu dhawaado ay carqaladeynayeen.

Xamaas ayaa xalay ogolaatay inay sii deyn doonto dhammaan maxaabiista ay hayso, iyadoo ku bedelaneysa tiro maxaabiis Falastiiniyiin ah oo la isku raacay, iyadoona la gaarayo heshiis lagu soo afjarayo dagaalka, isla-markaana ay Ciidamada Israel uga baxayaan dhulka ay kaga sugan yihiin Marinka Gaza.

Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa heshiiskan ku tilmaamay mid aan lahayn wax faa’iido ah.

Wasiirka Difaaca Israel ninka lagu magacaabo Israel Katz ayaa sheegay in dagaalka ay ku joojin karaan oo keliya, marka ay Xamaas ogolaato go’aamadii Golaha Wasiirada ay soo saareen bishii August.

Golaha Wasiirada Israel ayaa u codeeyay shan mabda’ oo sida ay sheegeen lagu soo afjari karo dagaalka, kuwaas oo kala ah in hub ka dhigis lagu sameeyo Xamaas, in ay wareejiso maamulkeeda Gaza, sii deynta dhammaan maxaabiista, in aan wax hub ahi lagu dhex haysan karin Marinka Gaza oo amnigeedana la hoos keeno Israel iyo in Gaza loo dhiso maamul aan ahayn Xamaas iyo midka Falastiiniyiinta ee fadhigiisu yahay Magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed ee la haysto.

Wasiir Katz ayaa sheegay in Xamaas ay haysato laba ikhtiyaar oo keliya, oo uu ku kala sheegay inay aqbasho shuruudaha Israel ee lagu soo afjarayo dagaalka amaba inay baabi’iyaan Gaza.

Itamar Ben-Gvir, Wasiirka Amniga Israel ayaa dowladda ka dalbaday inaanan loo jawaabin Xamaas, illaa iyo inta ay ka ogolaaneyso buu yiri in ay is dhiibto.

Wasiirka ayaa sheegay in warka ay Xamaas ku sheegtay in ay diyaar u tahay inay gasho heshiis dhameystiran uu yahay mid faaruq ah.

“Xamaas waa inay meesha ka baxdaa oo hubkana ay dhigaan, iyada oo aan wax bedel ah lahayn.” Ayuu yiri Ben-Gvir oo intaasi ku daray in haddii taasi la wayo aysan jirin wax lagu la hadli karo.

“Tani waa inay noqotaa jawaabta keliya ee argagixisada Naasiyiinta.” Ayuu yiri Wasiirka xagjirka ah ee ka tirsan dowladda uu Netanyahu hoggaamiyo.

Xamaas ayaa shaacisay go’aanka ay ku sii deynayso maxaabiista harsan, saacado ka dib, markii Madaxweyne Donald Trump uu ugu baaqay inay sii deyso dhammaan maxaabiista nool ee labaatanka qof.

Trump ayaa Arbacadii sheegay in sii deynta maxaabiista ay si degdeg ah wax uga bedeli doonto xaaladda, dagaalkuna uu dhammaan doono.

Trump ayaa fahamsan in Israel ay tahay cidda diidan heshiiska, haddana uusan weli maamulkiisu diyaar u ahayn in uu wax tallaabo ah ka qaado.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc