Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa si kulul u cambaareeyay weerarada baahsan ee ay Ciidamada Israel ku burburinayaan guryaha la degan yahay iyo kaabeyaasha dadweynaha ee ku yaala Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza.
Ciidamada Israel ayaa si ba’an duqaymo ugu burburinaya dhismayaasha ku yaala magaaladaasi, iyadoona masuuliyiintooda ay ku hanjabeen in hawlgalka burburinta uu sii socon doono.
Taliska Militariga Israel ayaa Jimcihii sheegay in ay meesha ka saarayaan dhismayaasha ay sheegeen inay Xamaas ugu diyaargarowday inay u adeegsado goobo laga soo weeraro ciidamadooda hawlgalka ka bilaabay magaaladaasi.
Ezzat Al Rishq oo ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Xamaas ayaa si adag u beeniyay sheegashada Israel, ee ah in dhismayaasha la burburinayo ay Xamaas damacsan tahay inay ka soo weerarto ciidamada.
Sarkaalkan ayaa sheegay in tani ay Israel qiil ugu yeeleyso dembiyada foosha xun ee ka dhanka ah dadka rayidka iyo sii wadidda qorshaha guud ee lagu burburinayo magaalada.
“Isku dayga qiilka loogu raadinayo burburinta dhismayaasha iyo burburinta guud ee Magaalada Gaza, iyada oo la leeyahay Xamaas ayaa u adeegsaneysa inay wax ka soo weerarto, waa wax aan ahayn marmarsiyo fudud iyo been cad, oo looga gol leeyahay in lagu qariyo dembiyada foosha xun ee ka dhanka ah rayidka aan hubaysneyn iyo sii wadidda siyaasadda guud ee burburinta Gaza.” Ayuu yiri Ezzat Al Rishq.
Israel ayaa maalin ka hor weerar ballaaran ku qaaadday Magaalada Gaza, iyadoo ay ciidamadeeda fulinayaan go’aankii 8-kii bishii Augsut ka soo baxay Golaha Wasiirada ee lagu qabsanayo magaaladaasi iyo xaqiijinta in amniga Marinka Gaza la hoos keeno Israel.