Home Wararka Caalamka Mudaaharaad lagu cadaadinayo Xukuumadda Netanyahu oo ka dhacay Israel (SAWIRRO)

Mudaaharaad lagu cadaadinayo Xukuumadda Netanyahu oo ka dhacay Israel (SAWIRRO)

by Laacib

Kumanaan Israeliyiin ah ayaa xalay isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee Magaalada Jerusalem, iyagoo dalbanaya in xabad joojin degdeg ah laga sameeyo Marinka Gaza. Bannaanbax kale oo midkani garab socday ayaa ka dhacay Magaalada Tel Aviv.

Dibadbaxayaasha ayaa waxay cambaareeyeen go’aanka ay Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ku ballaarisay dagaalka, ka gadaal markii ciidamadu ay hawlgal ballaaran ka bilaabeen magaalada ugu weyn ee Marinka Gaza.

Mudaaharaadayaasha Israel ayaa ka horyimid weerarada aan dadka lagu kala sooceynin ee militarigu uu ka wado waqooyiga Marinka Gaza, haddii uu keenayo inay dhintaan maxaabiista looga haysto gudaha Gaza.

Qoysaska ay dadkoodu ka maqan yihiin ayaa dowladda ku eedeeyay in ay iyadu tahay tan diidan in wada-xaajood lagu soo sii daayo maxaabiista.

Qoysaska iyo ehelada maxaabiista oo horkacaya dibadbaxayaasha ayaa soo dhoobtay afaafka hore ee hoyga Raysal Wasaare Netanyahu uu ku degan yahay Jerusalem, waxayna sheegeen in hawlgalka la ballaariyay uu halis gelinayo maxaabiista harsan, isla-markaana uu kordhinayo khasaaraha soo gaaraya dadka reer Gaza.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa goor hore oo Sabtidii ah sheegtay in tirada dadka lagu dilay Marinka Gaza, tan iyo bilowgii dagaalka ay mareyso 64,368 qof. Tiradan qayb kama ahan in ka badan lixdan qof oo shalay lagu dilay Gaza, waxayna wasaaraddu ku soo dari doontaa tirooyinka la daabaci doono Axaddan.

Viki Cohen oo ah hooyada dhashay Nimrod Cohen oo lagu haysto Gaza ayaa waxay sheegtay in ay ku jiraan daqiiqado xasaasi ah, suurtagalna ay tahay in xilligan la joogo go’aan laga gaarayo nolosha wiilkeeda.

“Waxaan ku jirnaa daqiiqado xasaasi ah.” Ayay tiri Viki Cohen oo la hadleysay dadkii dibadbaxa ka dhigay Jerusalem, waxayna intaasi ku dartay “Waa suurtagal in waqtigan la joogo la go’aaminayo masiirka wiilkayga.”

Orna Neutra oo ah hooyada dhashay maxbuuska dhintay ee lagu magacaabo Omer Neutra, meydkiisana lagu hayo Gaza ayaa sheegtay in qabsashada Magaalada Gaza ay tahay khatar dhab ah oo soo food saartay maxaabiista.

Orna Neutra ayaa sheegtay in Ciidamada Israel aysan wax qorshe ah ka lahayn ilaalinta nolosha maxaabiista, isla-markaana ay dhacdooyinkii hore ka barteen inaysan garaneyn halka lagu hayo.

Waxay xustay dhacdadii lixda maxbuus lagu dilay 31-kii bishii August ee sanadkii 2024 ee ka dhacday deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza, xilli ciidamadu ay hawlgal ka wadeen deegaankaasi.

Hawlgalka militari ee lagu fidiyay Magaalada Gaza ayaa dhaliyay dareen cusub, oo baqdin lagaga muujinayo mustaqbalka maxaabiista. Israeliyiinta ayaa dowladdooda ugu yeeray inay mudnaan siiso heshiiska xabad joojinta Gaza ee keenaya in maxaabiista la is dhaafsado.

Hawlgalkan ayaa walaac ku abuuray shacabka Israel ee la dareenka ah qoysaska ay ka maqan yihiin kuwii ay jeclaayeen ee la dhageysan la’yahay in wada hadal lagu soo celiyo dadkaasi, si ay mar kale u midoobaan.

Dagaalka Gaza oo maanta galay maalintii 702-aad ayaa waxaan jirin natiijo ay Israel ka gaartay yoolashii ay bilowgii ugu duushay Marinka Gaza, ee kala ahaa dib u soo celinta maxaabiista, burburinta Xamaas iyo in Gaza laga dhigo meel aan mustaqbalka khatar ku ahayn amniga Israel.

Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa ku celiyay hanjabaaddiisa ah in ay sii wadayaan dagaalka lagu burburinayo Magaalada Gaza, isla-markaana aysan joojin doonin, iyadoo aan la gaarin guusha dagaalka.

Hadalka Wasiir Katz ayaa ka sii carreysiin kara shacabka Israel ee sida weyn uga soo horjeeda sii socoshada dagaalkan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc