Taliska Militariga Israel ayaa qirtay in Xoogaga Xamaas ay Isniintan dileen afar ka mid ah ciidamadooda, ka dib weerar ay sheegeen inay ka gaysteen duleedka Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza.
War ka soo baxay Militariga israel ayaa lagu sheegay in askartan lagu dilay weerar ay Xoogaga Xamaas ku qaadeen xero ay ciidamadu ku leeyihiin halka lagu magacaabo Kafr Jabalia ee duleedka xaafadda Sheikh Radwan oo ku taala meel u dhow xadka ay Magaalada Gaza la leedahay deegaanada koonfurta Israel.
Warka ayaa lagu xusay magacyada saddex ka mid ah askartaasi, oo lagu kala sheegay Amit Arye Regev oo 19 jir ah, Uri Lamed oo 20 jir ah iyo Gadi Cotal oo isna 20 jir ahaa.
Warka ayaa intaasi ku daray in dib laga soo shaacin doono magaca askariga 4aad iyo weliba sawirkiisa.
“Dhammaantood waxay ka tirsanaayeen Guutada 401-aad ee Ciidanka Difaaca Israel.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Militariga Israel.
Askari kale oo ka tirsan Guutada Nahal ayaa warka lagu sheegay in isna uu ku dhaawacmay weerarkaasi.
Bishii October ee sanadkii 2024 ayay ahayd, markii Taliyihii Guutada 401-aad lagu dilay qarax ay Xamaas taangigii uu saarnaa kula eegatay xerada qaxootiga Jabalia ee waqooyiga Marinka Gaza.
Sarkaalkaas oo lagu magacaabi jiray Korneyl Ehsan Daxa ayaa xilligaasi noqday saraakiilkii ugu darajada sarreyay ee Ciidamada Israel looga dilo dagaalka Gaza.