Home Wararka Caalamka Qatar oo ku baaqday in la xakameeyo Israel oo xarga goosaneysa

Qatar oo ku baaqday in la xakameeyo Israel oo xarga goosaneysa

by Laacib

Iyadoo dunida oo dhan ay xalka u aragto in Falastiiniyiinta iyo Israeliyiinta ay yeeshaan laba dal ayay Madaxda Israel carro ka muujinayaan in hoggaamiyeyaasha reer galbeedka ay ka aragti duwanaadaan, isla-markaana ay safkooda ka baxaan.

Dowladda Qatar ayaa Israel ku eedeysay inay isku dayeyso in ay wiiqdo dadaalada sii kordhaya ee dunida ay dooneyso in lagu soo afjaro colaadda Israel iyo Falastiin ee muddada dheer ka socotay Bariga Dhexe, isla-markaana saamaynta weyn ku leh xasilloonida gobolka iyo dunidaba.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Sultan bin Saad bin Sultan Al Muraikhi ayaa sheegay in dalalka harsan ay haatan aqoonsanayaan Falastiin, iyadoo Israel ay sii kordhineyso buu yiri gardarradeeda.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa sheegay in aasaaska Dowladda Falastiin ay muhiimad weyn u leedahay ammaanka gobolka.

Wasiirka ayaa sheegaya in dowlad madaxbannaan oo Falastiin ah ay soo afjareyso caddaalad darrada ka dhalatay qabsashada Israel ee dhulka Falastiiniyiinta iyo xadgudubyada joogtada ah ay ku ballaarineyso weeraradeeda gobolka.

Al Muraikhi oo Magaalada New York kaga qaybgelaya Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin dheeraad ah oo lagu xakameynayo Israel.

Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel ayaa Axaddii yiri “Ma jiri doonto Dowlad Falastiini ah.”

Netanyahu ayaa ku hanjabay in Israel aan laga soo dhaweyn doonin duufaanta siyaasadeed ee ka socoto dalalka reer galbeedka ee Falastiiniyiinta loogu dhisayo dal ay leeyihiin.

Israel ayaan la dhacsaneyn xaqiiqada uu caalamka u arko inaysan xaaladdu sidaan sii ahaan karin iyo in loo baahan yahay is bedel dhab ah, iyadoo loo marayo geeddi-socod nabadeed oo lagu hirgelinayo xalka laba dal oo deris ah, nabadna ay shacabkooda ku wada nool yihiin.

Israel ayaa dhinac isaga tiirineysa dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee ay wadaan qaar ka mid ah dalalka ugu muhiimsan ee xulafadeeda dibadda.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc