Home Dhacdooyin Madaxweyne Petro oo ku baaqay in dunida ay cudud ciidan ku xoreyso Falastiin

Madaxweyne Petro oo ku baaqay in dunida ay cudud ciidan ku xoreyso Falastiin

by Laacib

Madaxweynaha Colombia, Gustavo Petro ayaa ku baaqay in la sameeyo ciidamo caalami ah, oo sida uu sheegay ay tahay inay xoreeyaan Falastiin, isagoo tixraacaya aqoonsiga dunida ee Dowladnimada Falastiin iyo diidmada Israel, ee ah inaysan hana qaadi doonin Dowlad Falastiini ah.

Madaxweynaha Colombia oo Jimcihii Magaalada New York kaga qaybgalay mudaaharaad ka dhan ah Israel iyo xasuuqeeda Gaza ayaa ku baaqay halgan hubeysan oo caalami ah, kaasoo lagu diidan yahay buu yiri dembiyada Maamulka Israel ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta.

“Waxaan uu wado Maamulka Israel waa inaan kaga jawaabnaa waddooyinka, waa inaan ereyo ahaan uga jawaabnaa, waana inaan hub uga jawaabnaa. Waa sababta aan ugu baahanahay inaan abuurno oo samayno ciidamo caalami ah oo ka weyn midka Israel ama kan Mareykanka.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dalkiisu uu mar horeba Qaramada Midoobey u soo jeediyay qabyo qoraal taageeraya in la sameeyo ciidamo caalami ah, kuwaas oo sida uu sheegay ay tahay inay howshoodu ka bilaabaan xoreynta Gaza.

Madaxweyne Gustavo Petro oo Talaadadii khudbad ka jeediyay Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee ka socda New York ayaa codsaday tallaabo wadajir ah oo caalami ah oo lagu xoreynayo Falastiin.

“Waxaan u baahanahay ciidamo awood leh oo ka socda wadamada, si aan uga hortagno xasuuqa aan la aqbali karin.” Ayuu yiri Madaxweyne Petro.

Madaxweyne Petro ayaa sheegay in la joogo waqtigii loo dhaqaaqi lahaa xoreynta Falastiin, haddii ay noqoto dalalka Asia, kuwa Latin America iyo weliba dunida inteeda kale.

Dagaalka Gaza ka hor, Israel iyo Colombia ayaa lahaa iskaashi ganacsi, laakiin Bogota ayaa cilaaqaadka u jartay Tel Aviv, iyadoo carro ka muujineysa dembiyada ay ka gaysaneyso Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc