Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa lagu wadaa in Isniintan uu Xafiiskiisa Oval ee Aqalka Cad uu ku qaabilo Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, kaas oo ay ka wada hadlayaan, sidii lagu soo afjari lahaa dagaalka Gaza.
Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warameysa in Madaxweynuhu uu Raysal Wasaaraha Israel ku cadaadin doono in la joogo waqtigii la soo afjari lahaa dagaalka labada sano ku dhow ee ka socdo Marinka Gaza.
Maalmo ka dib markii Raysal Wasaaraha Israel uu khudbaddiisii Qaramada Midoobey ku diiday in Tel Aviv ay ogolaato in la dhameeyo dagaalkan ayaa lagu wadaa in xulafadooda ugu weyn ee dibadda ay iska wareystaan arrintan.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa kulanka ka hor qoraal ku sheegay in wax gaar ahi uu ku soo wajahan yahay Gaza, xilli Saraakiisha Israel laga soo xigtay in Raysal Wasaaruhu uu ka walaacsan yahay 21 qodob oo mabda’ ahaan aasaas u ah in la gaaro heshiiska xabad joojinta Gaza iyo qorshaha lagu maamulayo Gaza dagaalka ka dib, oo uu riixayo Madaxweynuhu.
Wasiirada Amniga Israel, Itamar Ben-Gvir iyo Maaliyadda Bezalel Smotrich oo isbahaysi ah la ah dowladda uu Netanyahu hoggaamiyo ayaa uga digay inuu ogolaado heshiiska nabadda, haddii kalena ay iska casili doonaan dowladdiisa wadaagga ah.
Ben-Gvir iyo Smotrich oo ah labada nin ee ugu xagjirsan Golaha Wasiirada Israel ayaa ah siyaasiyiin awood badan, marka aad eegto in xisbiyada midigta fog ay kala hoggaamiyaan ay wax ka soo dhiseen dowadda shuraakada lagu yahay ee Netanyahu uu madaxda ka yahay, waxayna ka sii mid ahaanshahooda dowladda ay ku xireen in la sii wadi dagaalka Gaza iyo deegaameynta sharci darrada ah ee Israeliyiinta looga samaynayo Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.
Arrintan ayaa waxaa la sheegay inay walaac xoog lihi ku hayso Raysal Wasaare Netanyahu, sababtoo ah wuxuu ogyahay in dowladdiisu ay burburi doonto, haddii ay weydo taageerada isbahaysiga midigta fog.
Kulanka Trump iyo Netanyahu ee Washington ayaa ku soo aadaya waqti adag oo xasaasi ah, iyadoo Israel ay muddooyinkanba lumineysay taageerada xulafada reer galbeedka oo muddo dheer ay xulafo adag ahaayeen.
Maamulka Trump ayaa wajahaya cadaadis diblomaasiyadeed, waxayna arki karaan in Israel darteed ay uga go’doomayaan dunida.
Netanyahu wuxuu qudhiisu garowsan yahay in Israel ay ka go’doonsan tahay dunida, balse ay weli ka dhaqdhaqaaqeyso taageerada xulafadooda ugu muhiimsan ee Mareykanka.
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa u muuqda in intaan ka dib aanu dulqaad u sii lahaan karin Israel, loona baahan yahay in la dhageysto baaqyada caalamiga ah ee lagu dalbanayo in la joojiyo dhiigga ku daadanaya Gaza.
Israel ayaan maanta lahayn saamayntii ay dunida ku lahayd ka hor dagaalka Gaza, waxaana xusid mudan in xitaa ay lumisay inta badan taageeradii shacabka Mareykanka.
Ra’yi uruurinta la sameeyay ayaa waxaa ku cad in shacabka Mareykanka ay ka horyimaadeen taageerada indha la’aanta ah ee Israel ee keentay in ay ku tumato shuruucda caalamiga ah.
Khubarada Israel ayaa qaba in Tel Aviv ay maanta ka jilicsan tahay sidii hore, taasoo ay sababteeda dusha kaga tuurayaan Netanyahu iyo Wasiirada mayalka adag ee hareer ordaya.
Si kastaba ha-ahaatee dunida oo dhan waxay isha ku haysaa, waxa ka soo bixi kara kulanka Trump iyo Netanyahu oo noqonaya kiisii afaraad oo 9 biood oo keliya ay yeeshaan.