Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu oo gelinkii dambe ee Isniintii ku kulmay Aqalka Cad ee Magaalada Washington ayaa si dhow uga wada hadlay, sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Gaza.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa riixayay qorshe cusub oo taageeraya xabad joojinta Marinka Gaza iyo cidda Gaza maamuleysa dagaalka ka dib.
Geba-gabadii kulanka, labada hoggaamiye oo shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad ayuu Madaxweynaha Mareykanku sheegay in isaga iyo Hoggaamiyaha Israel ay si wanaagsan uga wada hadleen wax ka qabashada arrimaha Bariga Dhexe.
Madaxweynaha ayaa sheegay in isaga iyo Raysal Wasaaraha Israel ay si dhow uga wada hadleen Iran, ballaarinta heshiiskii Abraham iyo sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Gaza. Heshiiska Abraham waa hindise uu Trump la yimid sanadkii 2020, si loo caadiyeeyo xiriirka dalalka Carabta iyo Israel.
“Heerka taageerada aan ka helay dalalka Bariga Dhexe iyo Israel waxay ahayd mid cajiib ah.” Ayuu yiri Madaxweynuhu oo amaanay madaxda ku lugta leh wada hadaladan, oo ay ku jiraan Hoggaamiyeyaasha Sacuudiga, Emirate-ka Carabta, Qatar, Turkiga, Indonesia, Pakistan iyo kuwo kale.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Raysal Wasaaruhu uu aqbalay qorshe ka kooban 20 qodob, oo sida uu sheegay lagu soo afjarayo dagaalka Gaza.
Waxa uu intaasi ku daray in haddii ay Xamaas aqbasho qorshihiisa uu ku joojinayo dagaalka Gaza ee lagu sii deynayo maxaabiista uu dagaalku dhammaan doono.
“Haddii Xamaas ay aqbasho soo jeedintu, waxaa dhammaan maxaabiista lagu sii deyn doonnaa 72 saacadood gudahood.” Ayuu yiri Madaxweyne Donald Trump oo xusay in uu maqlayo in Xamaas ay qudheeda daneynayso heshiiskan.
“Waxaa jiri doona maamul cusub oo ku meel-gaar ah oo loo sameynayo Gaza. Dhammaan dhinacyadu waxay ku heshiin doonaan waqtiga ay Ciidamada Israel uga baxayaan wejiyadooda.” Ayuu yiri Trump.
Qodobada qorshaha Trump ayaa waxaa ku jira in dadka reer Gaza aan laga eryin Marinka Gaza iyo in dib u dhis lagu sameeyo, in Xamaas laga wareejiyo maamulkeeda Gaza, in hub ka dhigis lagu sameeyo Xamaas, in 72 saac gudahood lagu sii daayo dhammaan maxaabiista Israeliyiinta, kuwa dhintay iyo kuwa noolba, in Israel ay sii deyn doonto 1,700 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 250 maxbuus oo xabsi daa’in ku xukuman, in xubnaha Xamaas la cafin doono, lana siin doono marin ammaan ah oo ay ku gaaraan dalalka qaabila iyo in dalalka gobolka iyo kuwa caalamka ay sugi doonaan amniga Gaza, isla-markaana ay tababari doonaan ciidamo boolis ah oo Falastiin ay yeelaneyso, gargaarka oo ku qulquli doona Gaza, illaa heerar lagu heshiiyay iyo Mareykanka oo fududayn doona wada hadal dhex mara Falastiiniyiinta iyo Israel, oo lagu gaarayo heshiis ay shacabka labada dhinac si nabad ugu wada noolaanayaan gobolka.
Benjamin Netanyahu, Raysal Wasaaraha Israel ayaa dhankiisa sheegay in uu aqbalay qorshaha Trump ee qeexaya heshiiska xabad joojinta Gaza
Raysal Wasaaraha ayaa tilmaamay in Israel ay ka bixi doonto Marinka Gaza, waa marka la hubiyo in hub ka dhigis lagu sameeyo Xamaas, inta ka horreysana ay meelo ka mid ah Gaza ay mustaqbalka u sii joogi doonto xaqiijinta amniga Israel.
“Israel waxay dhameystiri doontaa shaqada, illaa dhammaadka, haddii Xamaas ay diido qorshaha.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Netanyahu oo hoosta ka xariiqay in haddii Xamaas ay diido soo jeedinta ama ay aqbasho, ka dibna ay ka laabato ay Israel sii wadi doonto dagaalka, illaa ay ka xaqiijiso yoolashii ay ugu duushay Marinka Gaza.
Dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Masar ayaa Xamaas u gudbiyay hindisaha Trump, si ay u daraaseyso, lamana oga in Xamaas ay aqbali doonto iyo in kale.