Hawlgalka dhinaca ay Israel ku dhawaaqday inay ku qabsaneyso Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza ayaa galay toddobaadkiisii 3aad.
Israel oo hawlgalkan ku magacawday (Gideon Chariots 2) ayaa waxay sheegtay in ay ku qarameynayso magaalada ugu weyn ee Marinka Gaza.
Ciidamada Israel oo taageero ka helaya diyaaradahooda dagaalka ayaa sii wada qorshahooda ay isugu wada fidinayaan xaafadaha Magaalada Gaza.
Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Israel ay burbur baahsan ka gaysanayaan, ka hor inta aysan ciidamadu gelin goobaha la doonayo in ay taggaan.
Falastiiniyiinta degan Magaalada Gaza ayaa waxay sheegeen in duqaymuhu ay yihiin kuwo tira beel ah, isla-markaana ay Israel si indha la’aan ah u beegsaneyso kaabeyaasha rayidka iyo guryaha la degan yahay.
Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in diyaaradaha dagaalka Israel ay u muuqdaan kuwo aysan u kala soocneyn aagagga dagaalka iyo goobaha rayidka.
Duulaankan cusub ayaa la sheegay in uu burburiyay hannaankii caafimaadka ee magaalada, isla-markaana aanu magaaladu ka jirin wax fayodhawr ah.
Illaa soddon xarumood oo isugu jira isbitaalo iyo xarumo kaloo caafimaad oo ka shaqeynayay magaalada, ka hor duulaankan ayaa xirmay.
Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo kuwa kale ee caalamiga ah oo qayb ay ka yihiin Ururada Xuquuqul Insaanka ayaa toddobaadkii hore sheegay in Israel ay si nidaamsam u beegsaneyso isbitaalada iyo xarumaha kale ee caafimaadka, iyadoo adeegsaneysa weeraro toos ah, kuwo aan toos ahayn iyo weliba xeelado go’doomin ah.
Xarumaha caafimaadka qaarkood ayaa xirmay, ka dib markii Israel ay is hortagtay in la geeyo sahayda caafimaadka iyo shidaalka.
Si kastaba ha-ahaatee, tan iyo waaberigii saakay 45 qof ayaa lagu dilay Marinka Gaza, kuwaas oo 16 ka mid ah lagu dilay Magaalada Gaza.