Home Wararka Caalamka Xoghaye Guterres oo dhinacyada ku booriyay inay taageeraan hindisaha Trump ee Gaza

Xoghaye Guterres oo dhinacyada ku booriyay inay taageeraan hindisaha Trump ee Gaza

by Laacib

António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa dhammaan dhinacyada ugu baaqay inay taageeraan qorshaha Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ee nabadeynta Marinka Gaza.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa dhinacyada ugu yeeray inay ka dhabeeyaan xaqiijinta dhammaan qodobada ku xusan qorshaha Madaxweyne Trump.

“Muhiimadayadu waa in ay ahaato in aan fududayno wax ka qabashada dhibaatada baaxadda leh ee uu sababay dagaalkan.” Ayuu yiri Xoghaye Guterres oo hadalkan ku sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa.

Guterres ayaa ku baaqay in la gaaro xabad joojin degdeg ah oo waarta, in nooc kasta oo gargaarka ah la geeyo qaybaha Gaza oo dhan iyo in si shuruud la’aan ah lagu sii daayo maxaabiista.

Guterres ayaa sidoo kale sheegay inuu rajeynayo in hirgelinta qorshahan uu abuuri doono shuruudaha ogolaanaya in la gaaro xalka laba dal oo deris ah, oo Falastiiniyiinta iyo Israeliyiinta ay leeyihiin, isla-markaana si nabad ah ugu wada nool Gobolka Bariga Dhexe.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa gelinkii dambe ee Isniintii aqbalay soo jeedinta Trump, mar ay Warbaahinta si wadajir ah ugu la hadlayeen Aqalka Cad.

Trump ayaa Talaadadan ku celiyay in Hoggaamiyeyaasha Carabta iyo Israel ay aqbaleen qorshihiisa, waxaana uu sheegay in ay sugayaan jawaabta Xamaas oo keliya.

Trump ayaa soo bandhigay hindise ka kooban 20 qodob, oo sida uu sheegay u wanaagsan dhinacyada oo dhan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc