Home Wararka Caalamka Qatar oo sheegtay in arrimaha qaar ee qodobada Trump ay u baahan yihiin in la caddeeyo

Qatar oo sheegtay in arrimaha qaar ee qodobada Trump ay u baahan yihiin in la caddeeyo

by Laacib

Dowladda Qatar ayaa waxay sheegtay in arrimaha qaar ee qorshaha Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ee nabadeynta Gaza ay u baahan yihiin caddayn iyo in laga wada-xaajoodo.

Raysal Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani ayaa sheegay in qorshaha Madaxweynaha Mareykanka uu muhiim u yahay in la soo afjaro dagaalka Gaza.

“Laakiin waxaa jira arrimo u baahan caddayn iyo gorgortan ama wada-xaajood.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Qatar oo la hadlay Telefishinka Al Jazeera.

“Waxaan rajeynaynaa in qof walba uu si wax ku ool ah u eegi doono qorshaha, oo uu uga faa’iideysto fursadda lagu soo afjarayo dagaalka.” Ayuu yiri Raysal Wasaaruhu.

Raysal Wasaaraha ayaa muujiyay inaanan laga gudbi karin in laga doodo qodobada sharaxaadda u baahan iyo sidii lagu xaqiijin lahaa hirgelintooda.

“Waxa la soo bandhigay shalay waxay ahaayeen mabaadi’da qorshaha u baahan in laga doodo tafaasiishooda iyo sidii looga shaqayn lahaa.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Qatar oo intaa raaciyay “Dariiqa hadda socda waa in lagu dhisaa oo laga dhigaa mid waxtar leh oo guuleysta.”

Raysal Wasaare Al Thani ayaa tilmaamay in weli aysan wax jawaab ah ka helin Xamaas, balse ay arrintan wadatashi ka gelinayso ururada kale ee Falastiiniyiinta, maadaama maxaabiista Israeliyiinta ee lagu hayo Gaza aysan gacanta ku haynin Xoogaga Xamaas oo keliya.

“Weli ma helin jawaabta ay Xamaas ka bixisay qorshaha, waxayse u baahan tahay in ay is afgarad ka sameeyaan kooxaha kale ee Falastiiniyiinta.” Ayuu yiri Al Thani.

Al Thani ayaa xusay in dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Masar ay xalay u caddeeyeen Hoggaanka Siyaasadda Xamaas in hadafkooda ugu weyn uu yahay, sidii loo joojin lahaa dagaalka Gaza.

“Waxa ugu weyn ee Qatar, hadda waa sidii loo soo afjari lahaa dhibaatada Falastiiniyiinta Gaza.” Ayuu yiri Al Thani oo hadalkiisa ku xoojiyay in mudnaanta koowaad ee Doha uu yahay joojinta dagaalka, in la soo afjaro gaajada, dilka iyo barakaca ka jira Gaza.

Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka ayaa Isniintii soo bandhigay hindise ka kooban 20 qodob, oo saldhig u ah in la dhameeyo dagaalka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc