Home Wararka Caalamka Hay’adaha caalamiga ah oo dhan oo lagu riixay inay ka baxaan Magaalada Gaza

Hay’adaha caalamiga ah oo dhan oo lagu riixay inay ka baxaan Magaalada Gaza

by Laacib

Hay’adaha caalamiga ah oo dhan ayaa joojiyay shaqooyinkii ay ka hayeen Magaalada Gaza ee Marinka Gaza, ka dib markii Israel ay ballaarisay duulaanka ay ku hayso magaaladaasi.

Hay’dahan ayaa waxaa lagu khasbay in ay taggaan deegaanka Deir Al-Balah ee bartamaha Marinka Gaza, isla-markaana ay ka shaqayn karaan deegaanada ku yaala koonfurta iyo bartamaha ee Marinka Gaza.

Israel ayaa waxay magaaladan ka waddaa hawlgal ballaaran oo cir iyo dhulba leh, kaasoo ay sheegtay in ay si buuxda ugu qabsaneyso magaalada ugu weyn ee Marinka Gaza.

Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa Arbacadii ku hanjabay in qof kasta oo ku haray magaalada loo aqoonsan doono in uu yahay Xamaas iyo taageerahooda.

Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa noqday hay’addii ugu dambeysay ee caalami ah ee joojisa howlaheedii bani’aadantinimo ee magaaladaasi.

Guddiga ICRC ayaa sheegay in Israel ay weerar ballaaran ku hayso Magaalada Gaza, taas oo ay sheegeen inay ka hor istaagtay in magaaladaasi ay ka sii shaqeeyaan.

Isbitaaladii iyo xarumihii kale ee caafimaadka ee ka shaqeynayay magaalada, duulaanka ka hor ayaa la sheegay in intooda badan ay xirmeen.

Dhammaan shaqaalihii caafimaadka ee ajnabiga ayaa banneeyay oo isaga tagey magaalada, ka dib markii Ciidamada Israel ay kordhiyeen khatarta ay ku yihiin noloshooda.

ICRC waxay sheegtay in Ururka Bisha Cas ee Falastiin iyo Hay’adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza ay si hagar la’aan ah uga shaqeynayaan bixinta gargaarka caafimaadka, balse dhaqdhaqaaqooda iyo awoodddooda inay si badbaado leh u gaaraan dadka rayidka ah ayay sheegtay in si aad ah loo xadiday.

“ICRC waxay sii wadi doontaa inay ku dadaasho inay taageerto dadka rayidka ah ee ku nool Magaalada Gaza, mar kasta oo ay duruuftu saamaxdo.” Ayay ICRC ku sheegtay war ay soo saartay, iyadoo intaasi ku dartay in xafiisyada ay ku leedahay Deir Al-Balah iyo Rafah ay sii shaqayn doonaan.

Israel oo dhinac kasta ka go’doomisay Magaalada Gaza ayaa xanibtay dhammaan gargaarkii bani’aadantinimo ee la gaynayay, iyadoo aan xitaa ogoleyn in sahayda caafimaadka la gaarsiiyo goobaha caafimaadka yar ee weli ku dhiiranaya in ay dadka rayidka ah u shaqeeyaan.

Gaajeysiinta ula kaca ah, barakacinta khasabka ah iyo burburinta kaabeyaasha rayidka & guryaha la degan yahay ayaa ah dembi dagaal, sida ku cad sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

Israel ayaa lagu eedeeyay in nooc kasta oo dembi dagaal ah ay ka gaysaneyso qaybaha Gaza oo dhan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc