Ciidamada Israel ayaa meel cidlo ah ka helay dadkii la socday doomihii gargaarka bani’aadantinimo siday ee u soo baxay inay gargaarka gaarsiiyaan Falastiiniyiinta reer Gaza.
Ciidamada Israel ayaa xalay illaa saakay weerar ku hayay gaadiidka badda ee gargaarka u siday Marinka Gaza, iyagoona weerarkooda bilaabay, markii ay doomuhu ku soo dhawaadeen dhulka go’doonsan ee Falastiin.
Maraakiib dagaal oo laga leeyahay dalalka Talyaaniga iyo Spain iyo weliba diyaarado dagaal oo Turkiga uu leeyahay ayaa ka haray doomaha, markii ay ku soo dhawaadeen xeebaha Marinka Gaza. Maraakiibta iyo diyaaradaha dagaalka ee dalalkan ayaa toddobaadkii hore bilaabay inay gelbiyaan doomahaasi, ka dib markii ay kordheen weerarada xagga cirka ee uga imanayay diyaaradaha dagaalka Israel.
Ciidamada Israel ayaa la sheegay in ay beegsadeen in ka badan 40 doomood iyo weliba dadkii la socday, kuwaas oo sida la sheegay dadka reer Gaza u siday gargaar isugu jira raashiin, caano iyo biyo nadiif ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ayaa waxay sheegtay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen dhammaan doomahaasi, marka laga soo tago mid ka mid ah oo u baxsatay sida ay wasaaraddu sheegtay dhinaca Gaza.
Ururka Caalamiga ah ee Freedom Flotilla Coalition oo soo abaabulay doomahan oo intooda badan ka yimid dalalka Spain iyo Talyaaniga ayaa waxaa la socday kooxaha u dhaqdhaqaaqa xornimada Falastiin iyo dad kale, oo ay ku jiraan siyaasiyiin iyo Xildhibaano reer Yurub ah, kuwaas oo la sheegay inay ka damqadeen ficilada cadowtinimada ah Israel ee leh dilka, barakaca baahsan, gaajeysiinta joogtada ah iyo go’doominta dhameystiran ay ku hayso Marinka Gaza, taas oo ay ku xadideyso baahidooda aasaasiga ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ayaa sheegtay in la soo afjaray oo uu dhammaaday waxa ay ugu yeertay daandaansigii Global Sumud Flotilla.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Israel ay gacanta ku dhigeen 443 qof oo la socday doomaha, isla-markaana ay u qaadeen deegaanada koonfurta Israel.
Saraakiisha Israel ayaa sheegay in xaaladda dadkan ay wanaagsan, iyagoona xaqiijiyay in ay dib ugu celin doonaan Yurub.
Illaa iyo hadda ma cadda masiirka doonida la sheegay in ay u baxsatay dhinaca xeebaha Gaza. Flotilla waxay sheegtay in doonidaasi oo lagu magacaabo Mikeno laga yaabo in ay u gudubtay dhul badeedka Falastiin, laakiin ay waayeen xiriirkeeda.
Hoggaamiyeyaasha caalamka iyo Ururada Xuquuqul Insaanka ayaa cambaareeyay fara-gelinta ay Israel ku sameysay doomaha Global Sumud Flotilla. Flotilla ayaa ah urur caalami ah oo ka madaxbannaan siyaasadaha dowladaha.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ayaa weerarka Israel ee doomaha Flotilla ku sheegtay mid khatar ku ah badbaadada badda iyo xorriyadda socdaalka ee sharciga caalamiga ah.
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa fara-gelintan ku tilmaamay ficil burcad badeednimo ah, halka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ay iyana ku baaqday in si degdeg ah loo sii daayo dhammaan dadka la xiray.
Jarmalka oo ah xulafada ugu weyn Israel ee Yurub ayaa ugu baaqay inay u hoggaansanto waajibaadka ka saaran ilaalinta sharciga caalamiga ah, isla-markaana ay u dhaqmaan si saami qaybsi ah.
Safaaradda Jarmalka ee Israel ayaa waxay sheegtay inay ka shaqeynayso in la ilaaliyo nolosha dadkii la socday doomaha ee haatan u xiran Israel.
Hay’adda Xuquuqda Aadanaha U Doodda ee Amnesty International ayaa weerarka Israel ee doomaha Flotilla ku sheegtay mid sharci darro ah.
Amnesty International waxay sheegtay in Israel ay u weerartay dadka u dhaqdhaqaaqa Flotilla, si ay u sii waddo ciqaab wadareedka ay ku hayso dadka Gaza. Amnesty International ayaa sheegtay in Israel ay xasuuq ka gaysaneyso Marinka Gaza.
“Fara-gelinta xoogga leh ee Israel ay ku sameysay doomaha Global Sumud Flotilla iyo xarigga ay shaqaalaheeda ugu gaysatay xeebaha Gaza waa weerar bahalnimo ah oo ka dhan ah dhaqdhaqaaqayaasha wadajirka ah ee fulinaya hawlgal bani’aadantinimo oo nabadeed.” Ayay tiri Xoghayaha Guud ee Hay’adda Amnesty International, Agnes Callamard.
Agnes Callamard ayaa tiri “Qabashadan ayaa timid, ka dib toddobaadyo hanjabaado iyo kicin ah oo ay Saraakiisha Israel ku hayeen doomaha iyo ka qaybgalayaasha iyo ka dib isku dayo dhowr ah oo lagu doonayay in lagu waxyeeleeyo qaar ka mid ah doomaha Flotilla.”
Agnes Callamard ayaa intaasi ku dartay “Iyadoo si firfircoon loo xanibayo gargaarka muhiimka ah ee dadka ayay Israel ku kaceysaa xasuuq, oo ay ku jirto in ay dadka gaajo u dileyso. Israel waxay mar kale muujineysaa, sida ay u quursaneyso amarada sharciga ee Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah (ICJ) iyo waajibaadkeeda ka saaran, oo ah awoodda lahaanshaha si loo hubiyo in Falastiiniyiinta Gaza ay helaan cunto ku filan iyo gargaar bani’aadantinimo.”
Ka hor weerarkan, Guddiga Fulinta Midowga Yurub ayaa Israel ugu baaqay inaysan weerarin dadka is xilqaamay ee gargaarka naf badbaadinta ah u wada Gaza, balse Israel ma dhageysan baaqaasi.