Home Wararka Caalamka Raysal Wasaaraha Israel oo ka hadlay weerarka ay ciidamadiisu ku beegsadeen doomaha Flotilla

Raysal Wasaaraha Israel oo ka hadlay weerarka ay ciidamadiisu ku beegsadeen doomaha Flotilla

by Laacib

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa caawa bogaadiyay weerarka ay Ciidamada Israel ku beegsadeen doomihii faraha badnaa ee gargaarka bani’aadantinimo u siday dadka reer Gaza.

Raysal Wasaaraha ayaa ammaanay Ciidamada Israel ee meesha ka saaray doomaha gargaarka bani’aadantinimo ee u rarnaa Ururka Caalamiga ah ee Freedom Flotilla Coalition, oo ah dhaqdhaqaaq caalami oo xornimo doon ah.

“Waxaan bogaadinayaa askarta iyo Taliyeyaasha Ciidamada Badda ee u fuliyay howshooda Yom Kippur si xirfadeysan oo hufan.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Israel oo soo saaray war uu ugu talagalay munaasabadda maalinta ugu barakaysan sanadka Diinta Yahuudda ee Yom Kippur.

Raysal Wasaare Netanyahu ayaa sheegay in ciidamadu ay ka hortaggeen daraasiin doomo ah inay soo galaan Gaza, oo uu ku sheegay aag dagaal, isagoo intaasi ku daray in ciidamadoodu ay ka hortaggeen olole sharci darro oo ka dhan ah buu yiri Israel.

“Tallaabadooda muhiimka ah waxay ka hor istaagtay daraasiin doomo ah inay soo galaan aagga dagaalka, waxayna ka hortaggeen olole sharci darro ah oo ka dhan ah Israel.” Ayuu yiri Netanyahu.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ayaa waxay sheegtay in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen dhammaan doomahaasi, marka laga soo tago mid ka mid ah oo u baxsatay sida ay wasaaraddu sheegtay dhinaca Gaza.

Doomahan ayaa waxaa la socday kooxo u dhaqdhaqaaqa xornimada Falastiin iyo dad kale, oo ay ku jiraan siyaasiyiin iyo Xildhibaano reer Yurub ah.

Freedom Flotilla Coalition oo sidoo kale loo yaqaano (Global Sumud Flotilla) ayaa war ay goor dhow soo saartay ku sheegtay in Ciidamada Israel ay si sharci darro ah u afduubteen in ka badan 450 qof oo la socday doomahaasi.

Hoggaamiyeyaasha caalamka iyo Ururada Xuquuqul Insaanka ayaa cambaareeyay fara-gelinta ay Israel ku sameysay doomahan iyo dadkii la socdayba, kuwaas oo Gaza u waday gargaar isugu jira raashiin, caano iyo biyo nadiif ah.

Xoghayaha Guud ee Hay’adda Amnesty International, Agnes Callamard ayaa sheegtay in iyadoo Israel ay si firfircoon u xanibeyso gargaarka aasaasiga ah ee dadka Gaza ay haddana xasuuq ka gaysaneyso Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc