Hoggaamiyaha Xuutiyiinta Yemen, Abdul-Malik Al Houthi ayaa sheegay in Mareykanka iyo Israel ay heshiis ku yihiin xasuuqa ay Ciidamada Israel ka gaysanayaan Marinka Gaza, sidaasi daraadeedna aan lagu kalsoonaan karin qorshaha Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ee uu sheegay in nabad lagaga samaynayo Marinka Gaza.
Hoggaamiyaha Xuutiyiinta ayaa sheegaya in Mareykanku aanu ka madaxbannaaneyn dhiigga ay daadineyso Israel, isagoona Mareykanka ku sheegay inuu yahay dalka ugu weyn ee taageerada militari ku siinaya xasuuqa Gaza, isla-markaana ku difaacaya fagaareyaasha caalamka, gaar ahaan marka la joogo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.
Hoggaamiyaha ayaa qaba in Israel aanay wax tallaabo ah qaadi karin Mareykanka la’aantiisa, dembiyada ay Gaza ka gaysaneysana ay taageero uga haysato Maamulka Madaxweyne Donald Trump.
Muuqaal uu Khamiistii soo duubay oo laga daawanayay Telefishinka Al Masirah ayuu Hoggaamiyaha Xuutiyiinta ku cambaareeyay qorshaha Madaxweynaha Mareykanka ee nabadeynta Gaza, kaasoo uu sheegay inuu ka dhigan yahay isku day lagu doonayo in si buuxda loogu la wareego xuquuqda shacabka Falastiin, laguna adkeynayo xukunka buu yiri Maamulka Sahyuuniyadda iyo in Bariga Dhexe laga dhigo saldhig ay Sahyuuniyaddu leedahay.
Wuxuu sheegay in qodobada qorshaha Trump loo soo bandhigay Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu, si qodobada loo waafajiyo dalabaadka buuxa ee Israel, markaasi ka dibna uu Trump la wadaagay Warbaahinta.
Waxa uu intaasi ku daray in qorshahan aanu asalkaba ahayn mid ka yimid Trump, balse uu ka yimid Israel, isagoo intaasi ku daray in qorshahan uu yahay qorshe ay Israel si buuxda gacanta ugu dhigeyso Falastiin.
Abdul-Malik Al Houthi, Hoggaamiyaha Xuutiyiinta ayaa ka digay in tallaabo aan laga fiirsan ay noqon doonto, haddii Falastiiniyiinta ay ogolaadaan qorshahan, iyadoo aan xitaa si buuxda loo aqbalin magaca Dowladda Falastiin. Sida uu sheegay Hoggaamiyaha Xuutiyiinta, qorshahan waxa uu ku baaqayaa in Maamul KMG ah loo sameeyo Gaza oo hoos imanaya Mareykanka, Ingiriiska iyo dalal klae, xitaa Maamulka Falastiiniyiinta aanu meelna ku lahayn. Tani ayuuna sheegay inay mugdi gelin doonto Gaza oo dhowr iyo toban sano ka madaxbannaaneyd Israel, ka hor dagaalka.
Abdul-Malik Al Houthi oo tixraacaya xaqiiqda ah in Israel ay qorshahan ku dalbatay in hubka laga dhigo iska caabinta Falastiiniyiinta Gaza iyo in dagaal-yahanada laga saaro Gaza ay qayb ka yihiin sida uu yiri dadaalka loogu jiro in Gaza laga dhigo goob aysan joogin wax iska caabin ah. Al Houthi oo xusay taariikhda gumeystaha Ingiriiska uu Falastiin ugu gacan geliyay Israel uu maanta Mareykanku ku celinayo xaaladdii hore oo kale. Waxa uu ku nuuxnuuxsaday in Trump markii uu Magaalada Qudus u aqoonsaday in ay tahay Caasimadda Israel uu galay mid ka mid ah dembiyada ugu halista badan ee ka dhanka ah shacabka Falastiin iyo ummadda Muslimiinta.
Al Houthi ayaa dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka uga digay in Mareykanka uu isku dayayo in ay ku lug yeeshaan mashruuca amniga ee Israel, isagoo daba jooga madaxdii uu Trump la kulmay toddobaadkii hore, isla-markaana uu u sheegay in uu wado qorshe lagu soo afjarayo dagaalka Gaza. Dalalkan oo ay ku jiraan Sacuudiga, Emirate-ka Carabta, Qatar, Jordan, Masar, Turkiga, Pakistan iyo Indonesia ayuu ugu yeeray inaysan u adeegin sida uu yiri nidaamka Sahyuuniyadda.
Al Houthi ayaa ballanqaaday in shacabka Yemen ay sii wadi doonaan taageerada militari ee ay la garab taagan yihiin walaalahooda Falastiin, isla-markaana aysan eegi doonin qiimo walba oo kaga baxa.