Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa jawaabtooda qorshaha Madaxweyne Donald Trump ee Gaza u gudbiyay dalalka dhexdhexaadiyeyaasha ee Qatar iyo Masar.
Ururka ayaa warsaxaafadeed uu xalay soo saaray ku sheegay inay diyaar u yihiin inay sii daayaan dhammaan maxaabiista Israeliyiinta, iyagoo sidoo kalena wareejinaya meydadka kuwii dhintay, si loo soo afjaro dagaalka iyo in Ciidamada Israel ay si buuxda uga baxaan Marinka Gaza, sida ku cad soo jeedinta Madaxweynaha Mareykanka ee sheegeysa in ciidamadaasi ay gebi ahaanba isaga bixi doonaan Marinka Gaza, haddii shuruudaha la dhameystiro.
Ururka reer Falastiin ayaa sheegay in ay wada-xaajood ama gorgortan ka geli doonaan dhowr qodob, oo muhiim ah oo ku xusan qorshaha nabadda ee Trump.
Xamaas waxay sheegtay inay dib u soo cusbooneysiinayso hindisihii ahaa in Gaza lagu wareejiyo hay’ad madaxbannaan oo Falastiini ah, kuna saleysan rabitaanka Falastiiniyiinta iyo taageerada Carabta iyo dalalka Islaamka.
Xamaas waxay sheegtay in mustaqbalka Gaza iyo xuquuqda shacabka Falastiin ay tahay arrin masiiri ah oo qaran, kuna saleysan shuruucda caalamiga ah iyo qaraarada, waxaana looga hadlayaa bay tiri qaab qaran.
Jawaabtan ay Xamaas bixisay ayaa ku aaddan qaybo ka mid ah hindisaha xabad joojinta Gaza ee Trump uu soo jeediyay, waxayna soo jeedisay in qaybha kale ee heshiiska loo baahan yahay in laga wada-xaajoodo.
Xamaas ayaan soo hadal qaadin dalabka ugu weyn ee qorshaha Trump, ee ah in ay ogolaato in hub ka dhigis lagu sameeyo, laakiin illaa iyo hadda waxay u muuqataa in jawaabteeda ay ku saleysay wejiga koowaad ee qorshaha, maadaama Ciidamada Israel ay wejiyo kala duwan uga baxayaan Marinka Gaza.
Xamaas ayaa warkan shaacisay saacado ka dib, markii Trump uu kama dambeys u qabtay in jawaabteeda aqbalaadda ay soo gudbiso 10-ka caweysnimo ee Axadda, haddii kalena ay wajihi doonto cadaab daran.