Home Wararka Caalamka Trump oo jawaabta Xamaas ku tilmaamay mid aad muhiim u ah

Trump oo jawaabta Xamaas ku tilmaamay mid aad muhiim u ah

by Laacib

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa si weyn u soo dhaweeyay jawaabta ay Xamaas ka bixisay hindisihiisa xabad joojinta Gaza ee lagu soo afjarayo dagaalka, isla-markaana ay Ciidamada Israel si buuxda uga wada baxayaan Marinka Gaza.

Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa xalay ogolaaday qaybo ka mid ah qorshaha Trump ee nabadeynta Gaza, oo ay ku jiraan sii deynta maxaabiista nool iyo wareejinta meydadka kuwii dhintay, iyadoona Ciidamada Israel ay meelaha ay ka joogaan Gaza ka bixi doonaan, marka la buuxiyo shuruudaha, sida ku cad hindisaha Madaxweynaha Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in isagoo ka duulaya jawaabta Xamaas uu aaminsan yahay in Xamaas ay diyaar u tahay nabad waarta, isagoona sheegay inay maanta tahay maalin aad u weyn.

“Aniga oo ka duulaya bayaanka ay Xamaas hadda soo saartay, waxaan aaminsanahay inay diyaar u tahay nabad waarta.” Ayuu yiri Madaxweynaha Mareykanka oo warkan ku sheegay muuqaal uu soo duubay.

Madaxweynaha ayaa yiri “Aad iyo aad ayay muhiim u tahay, waxaana rajaynayaa in la haysteyaasha ay guryahooda ku soo laabtaan.”

Madaxweyne Trump ayaa Israel ka dalbatay in ay si degdeg ah u soo joojiso duqaynta Gaza, si loo sii daayo maxaabiista lagu hayo gudaha Gaza.

“Israel waa in ay si degdeg ah u joojiso duqaynta Gaza, si aan u soo saarno la haysteyaasha si nabad ah oo degdeg ah.” Ayuu yiri Trump oo intaasi ku daray “Tani waxay ku saabsan tahay nabadda muddada dheer la raadinayay ee Bariga Dhexe.”

Trump ayaa xusay inay aad ugu dhow yihiin in la gaaro nabadda Gobolka Bariga Dhexe ee furaha ay u tahay in la dhameeyo colaadda Gaza.

Trump ayaa u mahadceliyay dalalka gobolka ee kala shaqeynaya xaqiijinta qorshihiisa nabadeynta ee Gaza, kuwaas oo uu ka xusay Qatar, Masar, Turkiga, Sacuudiga iyo Jordan.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa horey u aqbalay qorshaha Trump ee lagu soo afjarayo dagaalka nafaha badan galaaftay ee labada sano ku dhow ka socdo Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc