Home Wararka Maanta Kumaandoos ka mid noqonaya Gorgor oo tababar loogu soo xiray TURKSOM (SAWIRRO)

Kumaandoos ka mid noqonaya Gorgor oo tababar loogu soo xiray TURKSOM (SAWIRRO)

by Laacib

Dowladda Federaalka ayaa Sabtidan tababar u soo xirtay Saraakiil, Saraakiil Xigeeno iyo askar cusub oo ka mid noqonaya Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka.

Raysal Wasaare Kuxigeenka 2aad ee Xukuumadda Federaalka, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, Wasiirka Gaashaandhiga, Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha & Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabdiqaadir Maxamed iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa si wadajir ah tababarka ugu soo xiray ciidamadan, kuwaas oo in muddo ahba ku tababaranayay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TURKSOM oo ku yaala duleedka Magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa dhawaan dalka Turkiga loogu qaaday in ay ku soo qaataan tababar dheeraad ah, iyadoona ay dalka dib ugu soo laabteen.

Ciidamadan cusub ee ka midka noqonaya Kumaandooska Gorgor ayaa loo carbiyay la dagaalanka kooxaha argagixisada iyo difaaca qaranka.

“Raysal Wasaare Kuxigeenka ayaa sheegay in Dowladda Somaliya ay dadaal badan ku bixisay dhismaha ciidan qaran oo awood u leh la wareegidda amniga dalka iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah.” Ayaa lagu yiri qoraal galabta lagu daabacay bogga wararka ee Xafiiska Xukuumadda.

Turkiga ayaa Dowladda Soomaaliyeed ka caawinaya dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, isagoona si gaar ahi u qalabeeya Gorgor, oo ah mid ka mid ah ciidanka gaarka ee ay maanta Somaliya leedahay.

Gorgor waa ciidan lugta ah oo u diyaarsan la dagaalanka kooxaha argagixisada iyo burburintooda, waxayna iyaga iyo Kumaandooska Danab oo Mareykanka uu tababaro ay ka sheegan yihiin ciidamada kale ee qaranku uu leeyahay.

Xerada TURKSOM oo lagu sheegay xerada ugu weyn ee Turkigu uu ku leeyahay dibadda ayay Militariga Turkiga ku tababaraan ciidamada loo tababaro Somaliya.

Xeradan ayaa la sheegaa in sanad kasta ay ka baxaan Saraakiil, Saraakiil Xigeeno iyo ciidan gaaraya in ka badan kun askari.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc