Home Wararka Caalamka Israel oo aan weli joojin dilka ay ku hayso dadka reer Gaza

Israel oo aan weli joojin dilka ay ku hayso dadka reer Gaza

by Laacib

Ciidamada Israel ayaa weli sii wada duqaymaha ay ka gaysanayaan qaybaha Marinka Gaza, xilli Xamaas iyo Israel uu Magaalada Sharm El-Sheikh uga socdo wada-xaajood ay tahay in heshiis looga gaaro qaabka loo dhaqangelinayo wejiga koowaad ee hindisaha Madaxweyne Donald Trump ee xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga labada dhinac.

Wariyeyaasha ka soo waramaya Marinka Gaza ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Israel ay weli sidoodii u sii garaacayaan dhulka go’doonsan, kuwooda dhulka ku sugana ay madaafiicda goobta ku harqinayaan Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza.

Ciidamada Israel ayaa bishii labaad weerar cir iyo dhulba leh ku haya magaalada ugu weyn ee Marinka Gaza, iyagoo fulinaya waxa uu militarigoodu uu horaan ku sheegay qorshaha Golaha Wasiirada ee lagu qarameynayo magaalada ku taala jiidda waqooyi ee Marinka Gaza.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Ciidamada Israel ay Talaadadan duqayn culus ka gaysteen xaafadaha Shujayea iyo Daraj ee bariga Magaalada Gaza.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha dadka rayidka ahi ka soo gaaray duqayntan u dambeysay, sababtoo ah Israel oo burburisay hannaankii caafimaadka ee magaaladaasi. Isbitaalada ayaa ah ilaha ugu muhiimsan ee laga helo xogaha khasaaraha rayidka, ka hor inta aan la daabicin warbixinta maalinlaha ah ee Wasaaradda Caafimaadka Gaza ku faah faahiso khasaaraha 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Xamaas ayaa Axaddii Israel ku eedeysay in ay sii waddo dilka dadka rayidka ah, ka dib markii Madaxweyne Donald Trump uu habeenkii Jimcaha ugu baaqay in ay si degdeg ah u joojiso duqaymaheeda Gaza, si si badbaado leh loogu soo sii daayo maxaabiista lagu hayo halkaasi.

Tan iyo markii Madaxweyne Donald uu Israel ugu baaqay in ay si degdeg ah u joojiso duqaymaheeda Marinka Gaza in ka badan 100 qof oo shacab ah ayaa lagu dilay Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc