Home Wararka Caalamka Rabshado laga cabsi qabo inay hareeyaan ciyaarta Talyaaniga iyo Israel

Rabshado laga cabsi qabo inay hareeyaan ciyaarta Talyaaniga iyo Israel

by Laacib

Dowladda Talyaaniga ayaa ka baqdin qabta in ciidamada amniga ay maarayn waayaan ciyaarta isha lagu wada hayo ee ciyaartoyda Talyaaniga iyo kuwa Israel ee toddobaadka dambe ku dhex mari doonta dalkaasi.

Raysal Wasaare Giorgia Meloni iyo Golaheeda Wasiirada ayaa welwel ka muujinaya, waxa 14-ka bishan oo Talaadada ku beegan ka dhici kara dalka, marka uu qaranka martida geliyo kulanka uu xulka Talyaaniga la leeyahay ciyaartoyda Israel.

Kulankan oo ah kiisii 2aad ee labada xul ay ciyaarayaan, isla-markaana ka tirsan isreebreebka koobka adduunka ee 2026 ayaa ka qabsoomi doona Garoonka Kubadda Cagta Bluenergy ee Magaalada Udine. Kulankii hore ayaa waxaa bishii September ee la soo dhaafay 5-4 ku badiyay Talyaaniga.

Warbaahinta Talyaaniga ayaa ku warameysa in uu socdo abaabul ay dadku ugu diyaargaroobayaan mudaaharaad lagu mucaaradsan yahay in ciyaartoyda Talyaaniga ay la ciyaaraan kuwa Israel.

Tababaraha Talyaaniga, Gennaro Gattuso oo si adag u dhalleeceeya xasuuqa ay Israel ka gaysatay Marinka Gaza ayaa ka digay in jewiga kulanka soo socda uu noqon karo mid aan deganeyn.

Tan iyo Isniintii ayaa waxaa la bixiyay keliya 4 kun oo ticket, iyadoo garoonka lagu ciyaarayo uu qaado 25 kun oo taageereyaal ah. Xiriirka Kubadda Cagta Talyaaniga ayaa doonaya in laga hortago in taageereyaashu ay dhibaateeyaan ciyaartoyda martida ah ee ka socda Israel.

Kumanaan qof oo dibadbaxayaal ah ayaa la filayaa in ay isugu soo bixi doonaan afaafka hore ee garoonkaasi, iyadoona cabsida ugu weyn ay tahay in laga walaacsan yahay isku dhac weyn oo dhex mara booliska iyo dibadbaxayaasha, haddii ay dadkaasi isku dayaan inay xoog ku galaan garoonka ay ciyaartu ka dhaceyso.

Iyadoo shacabka Talyaaniga ay in muddo ahba ka bannaanbaxayeen xasuuqa Israel ee Gaza, haddana mar keliya ayay carradooda cirka isku shareertay, ka dib markii Ciidamada Israel ay toddobaadkii hore weerareen doomihii Freedom Flotilla Coalition (Global Sumud Flotilla) ee gargaarka bani’aadantinimo u siday Falastiiniyiinta Gaza. Talyaaniga iyo dalalka kale ee Midowga Yurub ayaa waxaa ka dhacay mudaaharaadyo waaweyn oo lagaga soo horjeedo weerarkaasi iyo xarigga ay Ciidamada Israel kula kaceen in ka badan 450 qof oo la socday doomahaasi, isla-markaana ay ku jiraan siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan Yurub.

Duqa Magaalada Udine, Alberto Felice De Toni oo ka duulaya carrada baahsan ee shacabka ayaa ku baaqay in ciyaarta dib loo dhigo, laakiin tani waxay keeni kartaa in Talyaanigu uu lumiyo saddexda dhibcood ee ciyaarta. Talyaaniga ayaa ka baxsanaya inuu ku guuldareysto in markii saddexaad oo xiriir ah uu u soo baxo tartanka koobka adduunka.

Qaranka ayaan baajin karin kulankan, sababtoo ah muhiimadda uu u leeyahay in Talyaanigu uu u soo baxo tartanka koobka adduunka ee 2026, maadaama uu ka haray labadii tartan ee u dambeeyay.

Talyaaniga ayaan ciyaarin tartamadii la qabtay sanadihii 2018 iyo 2022. Tartankan oo ah mid afartii sanaba mar la qabto waxaa Talyaaniga ugu dambeysay inuu ciyaaro sanadkii 2014 oo lagu qabtay dalka Brazil.

Tababare Gennaro Gattuso ayaa muwaadiniinta xusuusiyay in ay khasab tahay inay ciyaaraan kulankan, haddii kalena ay la kulmi doonaan natiijo ah 3-0, isaga oo tixraacaya sharciga ciyaaraha la khasaariyay.

Talyaaniga ayaa ah mid ka mid ah dalalka loogu jecel yahay inay ka soo qaybgalaan kulamada la ciyaarayo ee koobka adduunka, wuxuuna horey ugu guuldeystay afar koob adduun.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc