Golaha Wasiirada Israel ayaa ansixiyay wejiga koowaad ee qorshaha Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ee lagu soo afjarayo colaadda Marinka Gaza.
Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel ayaa goor dambe oo xalay ahayd sheegay in Golaha Wasiirada ay meelmariyeen wejiga koowaad ee heshiiska lagu sii deynayo maxaabiista, 24 saac ka dib, markii Israel iyo Xamaas ay ku saxiixeen Magaalada Sharm El-Sheikh.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in wejiga hore ee qorshihiisa uu ogolanayo in si degdeg ah loo sii daayo dhammaan maxaabiista iyo in Ciidamada Israel ay ka baxaan meelo lagu heshiiyay oo Marinka Gaza ah.
Madaxweynaha ayaa bishii September 29-kii soo bandhigay qorshe 20 qodob ka kooban, isla-markaana isugu jira dhowr weji, oo qayb ka ah in Xamaas ay wareejiso maamulka Gaza iyo in hub ka dhigis lagu sameeyo.
Xamaas ayaa mabda’ ahaan aqbashay hindisaha Trump, balse waxay dalbatay in wada-xaajood ay ka gasho qodobada qaar ay u aragtay inay qodxaha leeyihiin, sida inaanan cid ajnabi ah lagu wareejin maamulka loo sameynayo Gaza iyo inaysan hubkeeda ku wareejin doonin gacan shisheeye, balse ay ku wareejin doonto dad Falastiiniyiin ah, marka is faham buuxa laga gaaro in la dhiso Dowladda Falastiin.
Wejiga koowaad ee heshiiska la saxiixay ayaa taageeraya in Xamaas ay sii deyso maxaabiista Israel, kuwa dhintayna ay meydadkooda wareejiso, iyadoo ku bedelaneysa in Israel ay xabsiyadeeda ka sii deyso ku dhawaad laba kun oo Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan in ka badan 200 oo kuwa xabsi daa’inka ku xukuman ah.
Heshiiska bilowga ah ayaa sidoo kale taageeraya in gargaar badan maalintii la gaarsiiyo Marinka Gaza iyo in ciidamo caalami ah la geeyo Gaza.