Home Wararka Caalamka Mareykanka oo daabulaya ciidamo ilaaliya xabad joojinta Gaza

Mareykanka oo daabulaya ciidamo ilaaliya xabad joojinta Gaza

by Laacib

Mareykanka ayaa diraya illaa 200 oo askari, si ay gacan uga gaystaan, isla-markaana ay ula socdaan heshiiska xabad joojinta ee lagu dhameynayo dagaalka Gaza.

Saraakiisha Mareykanka ayaa laga soo xigtay in ciidamadan oo ku sugan Bariga Dhexe la gayn doono Israel, iyadoo laga hortagayo in uu fashil ku yimaado qorshaha Madaxweyne Donald Trump ee nabadeynta Gaza.

Wakaaladda Wararka AP ayaa ku warantay in Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) uu doonayo inuu Israel ka dhiso xarun isku-dubarid militari iyo rayid.

Saraakiil aan la magacaabin ayaa AP u sheegay in xaruntan ay fududayn doonto qulqulka gargaarka bani’aadantinimo ee Gaza iyo saadka kale ee la gaynayo dhulka sida ba’an ugu burburay labadii sano ee dagaalka.

BBC ayaa sheegtay in Mareykanku uu Israel gayn doono 200 oo askari oo horey uga joogay gobolka, si ay u agaasimaan ciidamada caalamiga ah ee loo wado Gaza.

Lama sheegin in Ciidamada Mareykanku ay tagayaan Marinka Gaza, waxaase la sheegay inay taageeri doonaan ciidamo horudhac u ah kuwa caalamiga oo ka socda Masar, Qatar iyo Turkiga, kuwaas oo ilaalin doona xabad joojinta, soona gudbin doona xadgudub kasta oo halkaasi ka dhaca.

Warkan ayaa soo baxay saacado uun ka dib, markii Raysal Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani uu xalay sheegay in heshiiska ay saxiixeen Israel iyo Xamaas uu u baahan yahay damaanad dhab ah.

Madaxweyne Trump ayaa la sheegay in uu ballanqaaday in Israel aysan jebin doonin, ka dib marka la dhaqangeliyo xabad joojinta Gaza.

Israel iyo Xamaas ayaa waaberigii hore ee Khamiistii saxiixay qodobo khuseeya sii deynta dhammaan maxaabiista iyo in Ciidamada Israel ay ka baxaan meelo ka mid ah Marinka Gaza, kaas oo lagu sheegay wejiga koowaad ee qorshaha Trump oo dhowr weji ka kooban.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc