Home Wararka Caalamka Diyaaradaha Dagaalka Israel oo garaacaya Marinka Gaza

Diyaaradaha Dagaalka Israel oo garaacaya Marinka Gaza

by Laacib

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa weli duqaymo culus ka wada qaybo ka mid ah Marinka Gaza, ka dib markii Golaha Wasiirada Israel la sheegay in goor dambe oo xalay ahayd ay ansixiyeen heshiiskii Israel iyo Xamaas ay waaberigii hore ee Khamiistii ku saxiixeen dalka Masar.

Ciidamada Israel ayaa Jimcahan duqaymo xiriir ah ka gaystay Khan Yunis oo koonfurta Marinka Gaza ah iyo Magaalada Gaza oo iyana ku taala waqooyiga Marinka Gaza.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ay marar badan ku noqnoqdeen xaafadda Katiba oo ka tirsan deegaanka ugu weyn koonfurta Marinka Gaza ee Khan Yunis.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Israel ay sidoo kale duqaymo xoogan ka gaysteen Magaalada Gaza, oo ah midda ugu weyn ee Marinka Gaza.

Sidoo kale Ciidamada Israel ee ku sugan deegaanada koonfurta Israel ee xadka la leh magaaladaasi ayaa la sheegay in ay madaafiicda goobta ku garaaceen bariga magaalada.

Meydadka toddobo qof oo lagu dilay magaaladan ayaa la sheegay in la geeyay Isbitaalka Al-Ahli, oo si ciriiri ah ku shaqeynaya.

Hay’adda Difaaca Madaniga ee Marinka Gaza ayaa shacabka ugu baaqday in ay ka fogaadaan xuduudaha Marinka Gaza, gaar ahaan Magaalada Gaza, illaa iyo inta si rasmi ah loogu dhawaaqayo ka bixitaanka Ciidamada Israel.

Hay’addan ayaa shacabka ku boorisay inaysan u dhawaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamadaasi, maadaama ay tahay inay bilaabaan dhaqdhaqaaq ay uga baxayaan goobaha lagu heshiiyay.

Khalil Al Hayya oo la rumeysan yahay in uu yahay Madaxa Siyaasadda Xamaas ayaa sheegay in damaanad qaad ay ka heleen Madaxweyne Donald Trump.

Al Hayya ayaa sheegay in Xamaas iyo ururada kale ee Falastiiniyiinta ay ka go’an tahay in dhankooda ay ilaaliyaan heshiiska ku saabsan wejiga koowaad ee qorshaha Madaxweyne Trump ee horseedaya in la dhameeyo dagaalkan.

“Damaanad qaad ayaan ka helnay Mareykanka iyo dalalka dhexdhexaadiyeyaasha. Wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta ayaa la macno ah in dagaalka Gaza uu dhammaaday.” Ayuu yiri Al Hayya oo hoggaaminayay wafdigii Xamaas ee heshiiska ku saxiixay Magaalada Sharm El-Sheikh.

Xabad joojinta ayaa dhaqangeli karta saacad kasta oo maalinimada Sabtida ah.

Dunida ayaa soo dhaweysay qorshaha Trump ee lagu soo afjarayo dagaalka Gaza, iyadoo la sameynayo maxaabiis is dhaafsi, gargaar badan oo gelaya dhulka go’doonsan iyo Ciidamada Israel oo ka wada baxaya meelaha ay kaga sugan yihiin Marinka Gaza.

Ka dib marka si buuxda loogu guuleysto xabad joojinta Gaza, waxa xigi doono ayaa ah in loo jeysto mideynta Falastiiniyiinta iyo dhismaha Dowladda Falastiin.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc