Dowladda Jarmalka ayaa ku dhawaaqday mallaayiin dollar, oo wax lagaga qabanayo xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta Marinka Gaza.
Raysal Wasaaraha Jarmalka, Friedrich Merz ayaa Jimcahan sheegay in 34 milyan oo dollar oo deeq bani’aadantinimo ah ay siin doonaan Falastiiniyiinta Gaza.
Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in dalkiisu uu bixin doono gargaar bani’aadantinimo oo degdeg ah, iyadoo la hagaajinayo xaaladda bani’aadantinimo ee dhulka go’doonsan.
Raysal Wasaare Merz ayaa sidoo kale sheegay in iyaga iyo Masar ay qaban doonaan shirka dib-u-dhiska Gaza, kaas oo lagu dalban doono dhaqaalihii lagu dhisi lahaa Marinka Gaza.
Israel ayaa burburisay ku dhawaad dhammaan kaabeyaashii rayidka iyo guryihii la deganaa ee Marinka Gaza. Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa sheegtay in Israel ay cagta marisay boqolkiiba laba iyo sagaashan (92%) ee dhismayaashii danta guud iyo guryihii ay dadku deganaayeen.
Ururka Xamaas ee Falastiin iyo Israel ayaa saxiixay wejiga koowaad ee qorshaha Madaxweynaha Mareykanka ee la doonayo in lagu dhameeyo dagaalka labada sano ka socday Marinka Gaza.
Donald Trump ayaa dhammaadka toddobaadkan u safri doona Bariga Dhexe, si uu saxiix rasmi ah ugu sameeyo heshiiska xabad joojinta. Madaxweyne Trump ayaa sheegay in safarkiisa uu ku muddeysan yahay Sabtida ama Axadda.