Home Wararka Caalamka Wararkii ugu dambeeyay is bedelka ka jira Marinka Gaza

Wararkii ugu dambeeyay is bedelka ka jira Marinka Gaza

by Laacib

Isu socodka Falastiiniyiinta ku nool Marinka Gaza ayaa ku soo laabtay mid caadi ah, ka dib markii Ciidamada Israel ay Jimcihii ka baxeen goobo muhiim ah oo Gaza ah.

Taliska Militariga Israel ayaa ciidamada ka saaray saldhigyo ay ku lahaayeen koonfurta, bartamaha iyo waqooyiga Marinka Gaza, tani oo fududeysay in dadku ay is dhex socdaan.

Shacabka Falastiin oo intooda badan muddooyinkii la soo dhaafay la isugu geeyay dhinaca koonfureed ayaa maalintii saddexaad si caadi ah u tagaya dhanka waqooyiga.

Falastiiniyiin fara-badan ayaa ku laabtay Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza, oo ka mid ah meelaha muhiimka ah ee ay Ciidamada Israel ka baxeen.

Dadkan ayaa u degdegay in ay ku laabtaan guryahoodii, iyagoo ka gudbaya Isgoyska Netzarim ee bartamaha Marinka Gaza oo sidoo kale ay ciidamadu ka baxeen.

Dadku waxay soo laabanayaan iyadoo dhulka lala simay guryahoodii, qaarkoodna maba sixi karaan halkii ay ku yaalleen.

Guryaha qaar oo raadadka burburka ay ka muuqdaan ayaa ah kuwo la aqoonsan karo, laakiin intooda badani sidaasi ma ahan.

Ciidamada Israel ayaa cagta mariyay xaafado badan oo salka isku wada hayay, iyaga oo markaasi ka dhigaya aag militari oo laga ilaaliyo amniga koonfurta Israel.

Hay’adda Caalamiga ah Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa Israel ku eedeysay in ciidamadeeda ay Marinka Gaza ka dhigeen meel aan lagu noolaan karin.

Volker Türk, Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ayaa horey u codsaday in baaritaan madaxbannaan lagu sameeyo dembiyo dagaal iyo xasuuq uu sheegay in Israel ay ka gaysatay dhulka ay go’doomisay.

Mr. Turk ayaa Ciidamada Israel ku eedeeyay in ay si indha la’aan ah u burburiyeen guryaha shacabka iyo xarumaha danta guud, isla-markaana ay yihiin dembi dagaal, marka loo eego sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

Falastiiniyiinta Gaza ayaa muujiyay dhabar-adeyg, iyagoo aan dhageysan cadaadiskii ay Israel ku saareysay in ay aqbalaan in guryahooda lala wareego, iyadoo la gaynayo dal kale oo aan Falastiin ahayn.

Israel ayaa Marinka Gaza ka gaysatay nooc walba oo ciqaab uu aadmi gaysan karo, si ay ugu xaqiijiso qorshaheedii dhicisboobay ee ay ku qaadan lahayd dhulkii yaraa ee u soo haray Falastiiniyiinta Gaza, isla-markaana ay ku mintidayeen, ka gadaal markii ay horey u boobtay inta badan dhulkii ay lahaayeen shacabka Falastiin.

Reer Gaza ayaa dhib walba oo la soo maray ku ilaabaya in ay haatan dib u milkinayaan Marinka Gaza, walow Ciidamada Israel ay weli kaga sii sugan yihiin meelo ka mid ah deegaanada koonfurta iyo waqooyiga ee Marinka Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc